Madaxweyne Biixi Oo U Mahadnaqay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Aqalka Hor Geeyay Mooshin Ku Saabsan Aqoonsiga Gooni Isu Taagga Somaliland

0
16

Addis ababa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mahad celin u jeediyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo aqalka hor geeyay mooshin ku saabsan aqoonsiga gooni isu taagga Somaliland. Iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland , uu ku jiro safar, ayaa hadana uu u diray mahadnaq Gavin Williamson, oo ah xildhibaaanka ka mas’uulka ah in aqoonsiga Somaliland lagaga doodo gudaha Baarlamaanka Ingariiska.

Qoraal uu Muuse Biixi soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: “Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamsonsida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamaanka.

“Dhammaan dadka reer Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba waxay sugayaan hammigan xaqa loo leeyahay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here