Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa xalay gaadhay Magaalada Dubai, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Telefishanka Qaranka wariye ka tirsan oo weftiga Madaxweynaha la socda ayaa ku soo waramay in Madaxweynaha iyo Weftigiisa lagu qaabilay si heer sare ah.