Madaxweyne Biixi Oo Hoosta Ka Xarriiqay Xilliga Ay DP World Bilaabayso Casriyeynta Dekedda Berbera iyo Jidkii Wajaale

0
15

Madaxweyne Biixi  Wuxuu Soo Dhaweeyey Isbeddelka Uu Sameeyey Ra’iisul-Wasaaraha Itoobiya+Heshiisyada Ganacsi Ee Uu La Galay Dalalka Geeska

 

Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in Shirkadda DP World ay bilaabayso  bisha January  sannadka 2019ka ballaadhinta iyo casriyeynta marsadda Berbera iyo dhismaha jidka isku xidha  Berbera iyo magaalada xuduuda ku taalla ee Wajaale. Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibadii habeen hore loogu dabaal-degayey 58 guurada ka soo wareegtay xiligii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, 26kii June 1960kii.  Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in daraasadii lagu ballaadhin lahaa dekedda Berbera dhammaatay oo  lagu jiro tartankii lagu bixin lahaa shirkadii dhisi fulin lahayd casriyeynta dekedda Berbera. Madaxweynuhu waxa kaloo uu intaas ku daray in sidoo kale la hirgelin doono aagga suuqa xorta ah (Free Zone) oo laga furayo magaalada Berbera, waxaanu xusay   in suuqaasi uu Somaliland u soo jiidi doono ganacsato badan. Md. Muuse Biixi waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyey inay soo dhaweeyaan ganacstada iyo shirkadaha Somaliland u imanaya maalgashiga. Geesta kalena madaxweynuhu  waxa uu hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti oo 27ka June ay ku beegan tahay xiligii ay xornimadooda ka qaateen dalka Faransiiska oo xukumi jiray.   Madaxweyne Biixi  wuxuu soo dhaweeyey isbeddelka uu sameeyey Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaanu tilmaamay inuu heshiisyo ganacsi la galay dalalka geeska  Afrika oo dhan.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu mar kale cambaareeyey bam gacmeedkii lagu weeraray isu soo bixii lagu taageerayey Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaanu ku sifeeyey weerar  argagixiso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here