Madaxweynaha somaliland Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray ehelada Marxuum Xuseen Maxamuud (Gacma dheere)

0
26

Hargeysa (Hubaal) Alle ha u naxariistee Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma dheere) oo ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee Somaliland ee xoolaha dhiifisa ayaa ayaa ku dhintay rasaas uu ku furay askari ka mid ahaa booliska bar kaantaroolka tuuladda Qoto-dabo ee degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex,waxaana geerida marxuumkan ugu horeyn tacsi u diray ehelada uu ka baxay marxuumku madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada gaar ahaan xafiiska afhayeenka madaxtooyadu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ku geeriyooday Maanta 22/03/2015, gobolka daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ee xoolaha dhoofiya.

tacsiMadaxweynuhu marxuumka waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

INNA LILLAHI WA INA ILAYHI RAAJACUUN

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi tan oo kale ah diraya

anigoo ku hadlaya magacayga , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda ganacsatada iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha dhoofisa oo geeryooday.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.

Aamin Aamin Aamin

INNA LILLAHI WA INA ILAYHI RAAJACUUN

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here