Wasiir Ku Xigeenkan Cusub Waxaa Uu Hore U Ahaa Agaasime Guud
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Ayaa Fiidkii shalay magacaabay Agaasimihii Hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland U Magacaabay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka cusub ee ay yeelan doonto wasaaradda dib udejinta JSL, jagadaas oo ay bannaysay Marwo Nimco Xuseen Qawdhen oo iyagu ka mid ahayd wasiirradii Toddobaadkii hore ku dhawaaqay iscasilaadda.
Magacaabista wasiirkan oo dhinaca kale ka hadh-dhay isku shaandhayntii habeen hore uu Madaxweynuhu soo saaray ayaa war saxaafadeed ka soo baxay dhinaca madaxtooyada lagu sheegay in Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur loogu magacaabay wasiirku xigeenka cusub ee wasaaradda dib u dejinta.
Warsaxaafadeedkaasina waxaa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday: In Mudane, Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta).