Madaxtooyadda Iyo DP World: Saxeexa Heshiiska Dhaxal Wareejinta Dekedda Berbera

0
32

Hargeysa, (Hubaal) -Iyadoo horeba ay u jireen wadahadalo la xidhiidha dekeda Berbera oo ay xukuumaddu la lahayd shirkado kala duwan, ayaa waxa haatan isa soo taraya warar sheegaya in madaxtooyadu heshiis la galayso shirkadda DPWORLD, isla markaana la filayo inay labada dhinac ku kulmaan Imaaraadka Carabta.

 deked

Siday sheegeen warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, waxa lagu wadaa inay khamiista u duullaan Dubai wefti ka socda xukuumadda Somaliland, kaasoo uu hogaamin doono wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim, isla markaana ay ku wehelin doonaan wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi iyo wiilka uu sodoga u yahay madaxweynuhu Baashe Cawil, oo xogahani ay tibaaxeen inuu yahay buddhigaha hawsha loo socdo.

Wararka laga soo xigtay illahaasi waxay intaa raaciyeen, in hawsha ugu muhiimsan ee weftigu u tegayaa ay tahay saxeexa heshiis ay la gelayaan shirkada DPWORLD oo loogu wareejin doono dekedda Berbera, isla markaana waxa la sheegay inuu hore u jiray isfaham ay labada dhinac u gaadheen, oo la filayo inuu yahay ka uu daba socdo heshiiskan xoguhu tibaaxeen in saxeexiisa loo tegayo. Inkastoo xoguhu sidaa tibaaxeen, haddana ma jiraan warar dhinaca xukuumadda ka soo baxay oo arrintaa ku saabsani.

Shirkadda DPWORLD ka sokow, waxa jiray shirkado kale sidda Bollore oo kaambayn ugu jirtay la wareegida dekedda Berbera. Dhinaca kale dareenka dadka guud ahaan ayaa muujinaya diidmo ka dhan ah wareejinta dekedda, isla markaana waxa hore uga dhacay Berbera banaanbaxyo lagu diidan yahay barnaamijkaa.

source:ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here