Madaxda Gobalka Maroodi-jeex Ee Xisbiga Waddani Oo Agab Ciyaareed Guddoonsiiyey Kooxo Ka Dhisan Degmada M/Haybe Ee Hargeysa.‏

0
31

Hargeysa(Hubaal):-Mas’uuliyiinta gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani, ayaa agab ciyaareed oo isagu jira Direys iyo Kubaddo guddoonsiiyey Afar Kooxood oo ka dhisan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Waxaana guddoonsiintan ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin sare sare oo ka socday madaxda heer qaran ee Xisbiga Waddani, madaxda gobalka iyo mas’uuliyiin kale.

Garab ddGuddoomiye ku xigeenka gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani Md.Mawliid Muuse Dacar oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ka xisbi ahaan agab ciyaareed guddoonsiiyaan dhalinyarta xaafada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in aan agabkani noqon doonin mid bilow balse ay sida oo kale wadi doonaan sidii ay dhalinyarta Somaliland oo dhanba ay u horumarin lahaayeen hibadooda ciyaareed .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here