“Waxaan Jecelahay Inaan Uga Mahadceliyo Madaxweynaha Inuu Qaatay Go’aanka Ah Inaynu Fulino Wixii Balanqaada Ee Aynu La Galnay Bulshada Caalamka”
Hargeysa (Hubaal) Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in madaxweynuhu uu saxeexay dhaqaalaha loogu talogalay mashruuca biyo balaadhinta caasimada. “balanqaad baa jiray, dee qolyooyinka deeqaha bixiya markay wax maalgalinayaan qolada ay wax siinayaan waxay ku yidhaahdaan, idinkuna muxuu yahay qaybtiinu oo aad ku darsateen mashruuca. Dawaladda Somaliland marar badan waxay ballanqaaday inay mashruucan ku darsanayso hal milyan oo doolar. Sababaha keenay inuu mashruucani jiitamo ayaanay ka mid ahayd. Ayuu yidhi maareeyahaha wakaaladda biyaha. “waxaan jecelahay inaan uga mahadceliyo madaxweynaha Somaliland, Mud. Muuse Biixi Cabdi inuu qaatay go’aanka ah inaynu fulino wixii balanqaada ee aynu la galnay bulshada caalamka, oo uu saxeexay in dawladdu ay kasoo baxdo qaybteedii mashruucaa, lacagtaasna la bixiyo sanadka soo socda ee 2019, iyadoo qayb muhiim ah ka ciyaari doonto in mashruucu uu gabagaboobo.” Ayuu yidhi
Maareeyaha ayaa wax laga weydiiyay caqabadaha hortaagan fulinta mashruucaasi iyo beebabka la dhigayo magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi “labadan mashruuc ee laga shaqaynayo magaaladda gudaheeda ka bilaaba waa mashruuca isagu yar, oo u badan dacalada magaaladda, hadday noqoto Kood-buur, Axmed-dhagax iyo Maxamuud-haybe. Way jiraan arrimo badan oo lasoo dersay, laakiin mashruuca runtii aanu filayno caqabadaha badan iyo arrimo badani inay soo wajihi doonaan waa ka magaaladda gudaheeda laga shaqaynayo.” Ayuu yidhi Mr. Daarood