Maamulka Heer Gobol iYO Degmo ee Sool Maxay Ka Yidhaahdeen Safarka Madaxweynaha ee Dalka Gini?.
Laascaanood( ) Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Maayarka Degmada Laascaanood Ayaa Ka Hadlay Safarka Madaxweynaha Somaliland ku Tagay Dalka Gini Oo Maalmihii u Danbeeyey Si Weyn Looga Qaadaa Dhigayay Jamhuuriyada Somaliland.
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Iyo cabdicasiis Xuseen Maxamed Taarwale Ayaa Xukuumada iyo Madaxweynaha Qaranka ku Hanbalyeeyey Safarka iyo Socdaalka Sahanka Aqoonsi raadinta ee Madaxweynaha Qaranku Ugu Hayaamay Dal Ka Tirsan Galbeedka Qaarada Afrika oo Lagu Magcaabo GINI Kaasi oo ay Sas Ka Qaaday Xukuumada Madaxweyne Farmaajo.
Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay.
“ Safarka Madaxweynaha Qaranku Ku Tegay Dalka GINI Waa Mid Horumar Ah oo Qaranka Wax weyn ugu Fadhiya Waxaana Aad Ka garanaysaa Sida Shacabka Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba Usoo Dhoweeyeen Iyo Welibana Sida Xaasidnimada leh ee Xukuumada Farmaajo Uga Hinaastay Taasoo Ah Mid aan Umadani Aqbali Doonin,Madaxweynaha Waan uga mahadnaqayaa Ka Gobol Ahaana Waan Soo Dhoweynaynaa Waa Guul Dalku Leeyahay,Dadku Wada Leeyihiin Isla Markaana Taariikhda u geli Doonta Muuse Biixi Cabdi Inta uu Hogaaminayo Qarankan Somaliland ,Waxaan kaloo u Mahadnaqayaa Wasaarada Arimaha Dibada oo Talaabsatay Intii Madaxweyne Biixi Talada Dalka Hayay,Waxaan leeyahay Anoo ku hadlaaya Afka Shacabka gobolka Sool iyo Kan deegaamada Aan Kasoo Jeedo Hanbalyo Madaxweyne waxayna ahayd Talaabo hore loo qaaday loona baahnaa in mar hore la qaado,Dawlada Farmaajona waxaan leeyahay Somali Waa Walaalahayo,Dhibkooda kuma faraxsani Ilaahay Nabad haka dhigo,Anagana Waa inay Ku Farxaan oo aanay ka cadhoon Horumarka Somaliland gaadho Waayo Inaga oo Kala Xornimo ah oo Anaguna Aan Qaadanay 26kii Juun Idinku 1dii Luulyo,Isla markaana Kala Lahjad ah Waxaan Leeyahay Sidii Wadamo badan u Kala Noqdeen Ayaan u Kala Laabanay Waxaana Tusaale Idiinku filan Masar,Suuriya,Sudan iyo South sudan,Eretrea iyo Itoobiya oo Dalal Kale ,Waxaanan Dalal Kale ee Afrika Ugu Baaqayaa inay ku Dhiiradaan Goaanka Alpha Conde Reer Laascaanoodna Taalo ayay u Dhisi doonaan Madaxweynaha Dalka GINI Conakry Mudane ALPHA CONDE “ Ayuu Yidhi Gudoomiye Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.
Duqa Degmada Laascaanood ahna gudoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdicasiis Xuseen Mxamed TAARWALE oo isaguna Halkaasi Ka hadlay Ayaa Isagauna Dhankiisa Si Balaadhan usoo Dhoweeyey Safarka madaxweynaha Somaliland ee Dalka GINI waxaana uu Yidhi .
“ Waxaanu Saaka Aad usoo dhoweynaynaa Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftiga Culus ee uu Gadhwadeenka u Yahay Halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn Meeqaamkeedu aad u sareeyo sida aad idinkuba warbaahinta kala socoteen waxaana ay tani Tahay mid loo Qaaday Dhinaca Aqoonsi raadinta Qaranka Somaliland waana mid ay na gashadeen Shacabka Madaxweynaha Dalka GINI Hadaanu Nahay Reer Laascaanoodna Arintaas Waxaanu Kusoo Dhoweynaynaa Qalbi Furan Iyo Walaaltinimo Anagoo Wadankayaga Guulihiisa Garab Taagan Waayo Muuse Biixi Waxaa lagu Soo Dhoweeyey Calanka Dalkiisa iyo Kan Dawlada Gini oo is Barbar Yaala Madaxweynaha Waxaanu Leenahay hanbalyo Mudane Waana kugu garab taaganahay Guusha Iyo Horumarka Dalkaaga “Ayuu Yidhi Duqa Degmada laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale.