Ma Dhab baa Kenya Oo Sabab U Noqotay Baaqashada Safar Uu Farmaajo Ku Tagi Lahaa Rwanda

0
20

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Ka Soo Noqday Garoonka Muqdisho Ee Aadan Cadde Ka Dib Markii Lagu Wargeliyey Diyaaradii U Kiraysnayd Inaanay Dulmari Karin Hawada Dalka Kenya

Farmaajaha Soomaaliya Ayaa La Filayay Inuu Dalka Rwanda Kaga Qayb Galo Munaasibad Lagu Xusayo Xasuuuqii Waddankaasi Ka Dhacay

Muqdisho(Hubaal):-Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa waddanka Rwanda. Sababta ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo kaga baaqday safarka uu ku tagi lahaa waddanka Rwanda ayaa lagu sheegay go’aan ay qaadatay dawladda Kenya taas oo diiday inay hawadeeda marto diyaarad sida madaxweynaha soomaaliya. Sida aanu ka soo xiganay shabakadda Hadhwanaagnews oo warkan baahisay, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo noqday garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde ka dib markii lagu wargeliyey diyaaradii u kiraysnayd inaanay dulmari Karin hawada dalka Kenya taas badalkeedana ay suura gali kari wayday in diyaaradu ay marto hawada waddamo kale ka dib markii ay ciladi la soo daristay. Waaxda duulimaadyada ee soomaaliya ayaa madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in hawadeeda ay marto diyaarad sida madaxweynaha soomaaliya taas oo horseeday in madaxweynaha farmaajo uu ka baaqdo safarkii u qorshaysnaa ee waddanka Rwanda, halkaa soo uu kaga qayb gali lahaa munaasibad lagu xusayo xasuuuqii wadankaasi ka dhacay. Dawlada soomaaliya wali kamay hadlin baaqashada ku timid madaxweyne Farmaajo iyo go’aanka ay qaadatay dawladda Kenya, iyada oo ay soo shaac baxeen qoraalo cudurdaaro ah oo ay iswaydaarsadeen madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Rwanda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here