Loollan Durba Ka Dhex-Billaabmay Gollaha Deegaanka Gabiley Iyo Xildhibaan si weyn loogu Saadaalinaayo booska maayirnimada

0
29

Hargeysa(Hubaal)_kaddib markii uu Madaxweyne Siilaanyo uu maayer kii hore ee Gollaha Deegaanka ee Gabiley Shacayb Maxamed Muuse. uu Magacaabay Wasiirka wer-shedaha Somaliland, ayaa waxa isaa-soo taraaya Buuxinta jagada Maayer-nimo ee Banaanatay, iyado uu jiro loolan adag oo ka dhexeeya Mudanayaashaas, ayaa hadana waxa jiraa Kuwo si weyn loogu saadaalinaayo inay Hantaan Booskaas Maayer-nimo ee wasiir shacayb ka dallacay.

Sidaa warar sheegayaan waxa Buus-kaas si weyn loogu saadaalinayaa Guddoomiyaha amniga ee Gollaha Deegaanka Gabiley, Mudane Cabdi Casiis Cabdilaahi Ismaacil. oo sidaa la sheegay Noqday Ninkii Koowaad ee damcaa Xilkaas.

 67916_410341742369196_680523438_n (1)

Cabdi Casiis Cabdilahi oo ay Muddo saaxiibo isku dhow ahaayeen Maayerkii Hore, ayaa la fillayaa inuu Buuxiyo, iyadoo Gollaha looga Yaqaan Xildhibaankan Nin Sammo Tallis ah oo aan shar wadeen ahayn.

Docda kale, waxay warar intaas ku darayaan inay Badi-baa Gollaha Deeganka Gabiley isku raac-san yihiin Inay Hoggaanka uu dhiibtaan Masuulkan dhalinyarada ah oo leh Aqoon iyo waayo arag-nimo qooto dheer. Waxana warar si toosa uu kala cadaan Doonaan dhowaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here