Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu abaalmarin guddoonsiinayo tababarahiisii hore Arsene Wenger, isaga oo sheegay billadda dalka ugu sarreysa inuu guddoonsiinayo taasina ay muran ka dhalisay dalkaasi Liberia.
Dadka qaar ayaa waxay sheegayaan in aanu Madaxweynahu shaqsi ahaantiisa waxa uu jecel yahay uu iska sameyn oo uu bixin abaalmarinta dalka ugu sarreysa.
Wenger waxaa loo diyaariyey abaalmarinta dalka ugu sarreysa oo la siiyo shaqsiyaadka dalka wax weyn u qabta ee loo yaqaanno Knight Grand Commander, abalmarintaasi oo la filayo inuu Weah bixiyo Jimcaha inna soo aadan.
Abaalmarintuna waxaa sida caadiga ah lagu muteystaa shaqooyinka ay shaqsiyaadka qabteen iyo bulsha weynta dalka sida ay uga markhaati kacaan wax qabadka shaqsigaasi.
Madaxweyne Weah, waa madaxweyna Afrikaan ah oo ugu horreeyey oo la guddoonsiiyey magaca Ciyaaryahanka Caalamka ee Sanadki 1998-kii, waxaana xilligaasi tababara u ahaa Monaco oo u dhashay Faransiiska.
Wuxuuna Weah sheegay “inuu wenger sida ilmahiisa oo kale uu iisoo barbaariyey”, wixii awoodda ilaahey ka sokeeyana Arsene waa qofka iigu qiimaha badnaa ee aan Yurub kula kulmo.
Wenger oo tababare 22 sanno u ahaa kooxda Arsenal oo tababarnimada ka fadhiistay bishi May, wuxuu si wanaagsan uu u soo abbabiyey ciyaartooy badan oo ka soo jeeda qaaraddan Africa.