Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Garabka Bidix Ee Dalka Spain Oo Magaaladda Madrid Socod Ku Maray

0
37

Hogaamiyaha xisbiga garabka bidix ee Spain, Podemos, ayaa kumanaan taageerayaal ah kula hadlay dibadbax ka dhacay Madrid.

Pablo Iglesias, waxa uu amaanay xisbiga la mid ah ee Greek, Syriza, kaasi oo ugu guuleystay awoodda ballanqaadkiisa uu ku dhameynayo dhaqaale tashiilidda. Isagoo ka hadlayay fagaaraha weyn ee Madrid ayuu Mr. Iglesias ku dhawaaqay in guusha isbadalka ay ka bilaabtay inay ka qaraxdo Yurub oo dhan.

spainTobaneeyo kun oo dad ah ayaa ka qeybgalay socodka maanta oo ahaa bandhigii ugu weynaa ee taageerada dadweynaha ilaa hadda uu sameeyo dhaqdhaqaaq jira in ka yar sanad.

Doorashada guud oo la filayo inay dhacdo sanadkan ayuu xisbiga, Podemos, ku horeeyaa rayiga dadka codkooda dhiibanaya.

source:bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here