Hargeisa (Hubaal) kullan ballaadhan oo haya”da Vosomwo u qabatay dadka laga tirida beden yahay,sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen diiwaan medeeniga ah ee dalka ka socota.ayaa lagu qabtay magaallada Hargeisa ee caasimadda Somaliland. Munaasibadaas oo ahayd mid meeqaam-keeddu sareeyo,waxaa kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshada kala duwaan eeHargeisa_(xogreebnews.com_ kullan ballaadhan oo haya”da Vosomwo u qabatay dadka laga tirida beden yahay,sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen diiwaan medeeniga ah ee dalka ka socota.ayaa lagu qabtay magaallada Hargeisa ee caasimadda Somaliland. Munaasibadaas oo ahayd mid meeqaam-keeddu sareeyo,waxaa kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshada kala duwaan ee Somaliland.waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta saddeexda xisbi qaran ee dalka oo uu hor-muud uu ahaa mushaaraxa madaxweynenimo ee xisbga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo siyaasiyiin, kale xildhibaanno,wasiirku xigeenka wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada marwo Shugri Xariir . Ugu horey waxaa madashaas,ka hadlay agaasimaha ururka wadaanigga ah ee Vosomwo Cabdi samad cumar sheikh C/raxmaan oo ka warbixiyeey ujeedaada ay kulaanka u qabteen. Agaasime cabdi samad ayaa bulshada la hayb-soco ugu baaqay inay qaatan kaadhka dhalaashadda ee muwaadin-nimada Somaliland, oo dhwaan dalka ka furmay.isaaggo arrimahaas ka hadlaayana waxaa uu yidhii“ururka wadanigga ah ee Vosomwo waxaa uu dhiri-gelinayaa inay bulshadda laga tiridada badan yahay,ee Gabooye inay qaatan kaadhka muwaadin-nimada dalka, oo hadda socdaa, ururku waxaa uu sammeeyey sanadaadi aynu soo dhaafnay,daadaal badan,kaaso looga gol-lahaa sidii beelaha laga tirida badan yahay uga qayb-qaadan lahayeen siyaasadda dalka , waxaannu kulanno ku qabanay,dhamaan dadka kaso jeeda beesha oo annu ugu qabanay lixda Gobo lee dalka iyo deg-mooyinka Somaliland. Waxaana suurta gal noqotay in beelahaasi ay soo sharaxeen xildhibaanno oo ay sidii hore kazoo dhowaadeen soo-na dhex-galeen dadka kale ee walaalahoda. Laakiin nasiib darro cidi kamay soo bixin”sidaas ayuu yidhii agaasime cabdi samad Cumar sheikh cabdi raxmaan.oo isaaguu ugu horeyn faahfaahiyeey ujeedaada kulankan waxana uu si weyn ugu mahad-naqay haya’da NED oo ka caawisay qabsoomida kulankaas.Gudoomiyaha koomishanka qaranka mudane maxamed xirsi Geelle,oo isaaggu gollaha wakiiladda ka dal-baday inay sameeyan xeer kooto loogu xidho haweenka iyo dadka laga Tiradda badan yahay,isaago ku dooday inaanay koomishan ahaan iyaaggu,ay ku shaqeeyan xeerarka kasoo fulla baarlamaanka maxamed xirsi Geelle ,maxamed xirsi Geele oo arrimahaas ka hadlaaya waxaa uu yidhii. ”anagu koomishan ahaan waxaanu ku shaqaynaa xeerarka kasoo baxaa baarlamaanka,hadaba waxaa gollayaasha waxaa laga sugaya inay dadkaas iyo haweenkaba u sameeyan kooto,taaso dadkaas laga tirida badan yahay niyadooda wanaajineysaa, oo ay ogaan doonaan inay walaalo leeyihiin,anigu waxaan aamin saney hadaad samaysaan inay beeshu joojin doonto cabaashada meeshana laga saari karro in la soo hadal qaado takoor-baa Somaliland ka jiraa. Maxamede xirsi Geele oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yidhii” dadku illaahay-baa simey oo ibna aadam oo midna laguma calaamadin karro wax aan illaahay baneyn. Hadda waxaa sii dabar-go-aaya oo aan odhaan karnaa waa laga tagay wax yaabbo badan oo lagu takoori jirey dadkaas”sidaas ayuu yidhii gudoomiyaha koomishanka qaranka Somaliland oo aad ugu dheeraaday ahmiyadda iyo sinaanta uu ilaahay simay walaalaha islaamka.Xoghayaha xisbiga wadani ee qorsheynta cabdi rashiid riyo raac,ayaa si weyn ugu mahad naqay hayada Vosomwo oo uu ku Tilmaamay mid hal-gan adag uu gashay sidii beelaha laga tirida badan yahay ulaa sinaanlahaayeen,bulshada inteeda kale,waxaana uu sheegay in xukuumadda siilaanyo,inay xaqooda banaanka keenaan oo dadkaas la siiyo oo laga qayb galiyo talada wadanka iyo gollayaasha sharci dejinta,deegaanada Somaliland,Guurtida. Madaxa qorsheynta wadani mudane riyo raac isaaggo amuurahaas ka hadlaaya waxaa uu yidhii” horta hayada Vosomwo waa mid in badan wax ka qabatay oo wacyi-gelin badan u sameysay ,laakin waa in la hella oo meesha ay yimmaadaan ururo kale oo la sameeyaa,aniigu xisbi ahaan waxaanu ballaan qaadeynaa inay ka mid noqon doonaan madaxda uu sareysaa xukuumadayada,waxaana marna naga suuro galeyn in aannu qadino oo ku daneysaanno,waxaan iidinku baaqeynaa inaad qaadatn oo kala mid noqotaan dadka kale kaadhka dhalaashadda Somaliland si aad hadhowto uu codeysaan. “sidaas ayuu yidhii cabdi rashiid riyo raac oo ku dheeraaday ka mid aahan-shaha bulshadda la takooro oo u xukumad iyo shacaba ugu baaqay in meesha la saaro caadooyinka soo jireenka ahaa ee uu tilmaameyn inay sii yaranayaan .Musharaxa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ucid oo isna madashaas ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu hadduu diyaar uu yahay xeerka kootada in la an-sixiyo uu ansaxmi lahaa waxaana uu daliil uga dhigay 45 xeer oo xukuumaddu marsiisatay aqalka wakiiladda u la mid nqon lahaa,Jamaal cali xuseen oo ka hadlaaya waxaa uu yidhii”xukuumadani waxaay ku faanta oo fagaarahana la timmada inay 45 afartan xeer oo ay dan ka lahayd marsiisatay wakiiladda oo aan mid qudhaa la hor istaagin, dee hadaba waxaan odhaan karnaa madaxweynuhuu daacad kama ahaa xeer kootada haweenka iyo dadka laga tiriada badan yahay, waxaa kale oo aan ku dar-daarayaa in aanu Somaliland takoorku ku badney sababto ah anaagu Ucid ahaan waxaana soo sharaxnay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin xildhibaanaddi hadhay ,waxay ku hadheenna waxay ahayd waa tall la”aan iidinku badan, waxana idinku boorin lahaa inaad tashi badan sameysaan guurti ka shaqaysaa danaha beeshana magacaawdaan waxaana idiin fududaan lahayd-baa qabaa inay tabashadiina wax badani ka qabsoomi lahaayeen, Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxaa u intaas ku daray in xukuumadiisa xilaal badan ka qaban doonaan dadka kazoo jeeda beesha la hayb socaa.Suldaaan naasir oo ka mid ah sallaadiinta Somaliland ayaa canaan kula dul dhacay beesha uu kazoo jeedo oo uu sheegay inay ka gaabiyeen nolosha,suldaanka oo arimahaas ka hadlay waxaa uu yidhii “hortaa inteynaan cid kale gaadhin wax badan aya inaga khaldan dhex-deenna ee inaggu aynu isaasaxno kana mid noqonno kuwo wadaa socdaa,xukuumadan talladda haysaa waxaan uu sheegi lahaa in beesha gabooye ay dawladdi siyaad lahaan jirtey madaxweyne ku xigeen ahaana raysal wasaare ,oo laha wasiirro u ka mid ahaa wasiirkii gaashandhigga,kii ganacsigga wasiirku xigeen ,aniigu waxaan isku haystaa inaan ahay laan dheere waayo Somali nin iga laandhereysani ma jiro oo dalka oo dhan aniga ayaa la igu yimii” sidaas ayuu yidhii suldaanki Gabo-gaabadi waxaa kulankaas soo xidhay wasiirku xigeenka wasaarada arrimaha bulshadda marwo shuri xariir oo sheegtay inay beesha gabooye ka saarto meesha hadalka ah in la takooro.Iyado arimahaas ka hadlaysaa waxay tidhii wasiir shurgi “hortaa la idiinma takooro waayo takoorku waxaa uu ka jiraa dalaal badan oo aynaan ku jirin,markaad cabaneysaan waxaad tidhaahdaan dadka laga tirida badan yahay,dalkeena xasuuq kama dhaco waad og-tihiin oo markhaatibaad ka tihiin dhamaantiin,waxaa ka jiraa xoogga cadaadin ah taasina way sii dhamaneysaa”.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Kulan Dhiiri-gelin Ah Oo Haya”da Vosomwo U Qabatay Sidii Beelaha La Hayb-Soca...