Waxaan marka hore aad u hambalyaynayaa akhristayaasha degelka Hubaal oo qoraalada aan ku samayno ay yeeshaan saamayn aad u balaadhan oo ,qoraal kasta oo aan galinana aan ka dareemo dareemo suuqa taasina waxay nagu dhiirigalisay inaan u soo bixin sida wargaysyada bilaha ah ee kasoo baxa caalamka markaa aad baan taasi mahadnaq aan duugoobin hawada u marinaynaa hadaanu nahay bahda Hubaal Media,
Aan taasi halkaas ku dhaafo e waxaa la yidhi bari baa islaan Qaafo la odhan jiray ay soo gashay tukaan ku yaalay magaalada Hargaysa ,waxaanay kusoo hagaagtay waqti uu tukaankaasi uu aad ubuuqsanaa oo macmiilkiisu aad u dhoobnaa dumar farabadana ay ka buuxaan ,islaantii Qaafo markay soo gashay tukaankii ayay aragtay ilyarta isqabatay markay eeg-eegatay meelahii tukaanka ayay isha ku dhufatay meel uu yaalay kartoon xidhan oo shaw qolo wadaado ahi ay sii dhigteen ,islaantii waxay ku fadhiisatay shaw kartoon kutub Quraanka kariimka ah oo loo waday masaajidkan Xera hadhuudha ,inankii tukaanka hayay oo kusii jeeday hawsha iibinta tukaanka ayaa marqudha soo jeedsaday oo yidhi .
“Ee waa sidee alaa ee bal ka kac waa maxay kartoonka aad ku fadhiisatay ee kac kadabkaa go’ye waxaad ku fadhiisatay kartoon kutub Quraan ahi ay ku jiraane”
Halkuu ka eegayay inanka tukaanka iibinaya iyo dadwaynahii tukaanka iibsanayay inay islaantu boodo oo ay tidhaahdo alaa Ilaahaw ii gargaar aa waa maxay kutubta aan faraha la galayay ayay si toosa u tidhi waar kuba raagi maayo’e hooyo rubuca I sii.
Dadwaynahii tukaanka wax ka iibsanayay ayaamar qudha isha ku wada dhufatay islaanta iyo ficiladeeda waxaanan ilaahay ugabaryaynaa haday jirto in ilaahay naxariistiisa ka waraabiyo maadaama ayaynaan inagu isha ku arkayna haday jirto ale ka dhaafo,laakiin waxayka tagtay mahadho iyo murti hirgashay.
Waxaan uga gol leeyahay waxaa gobolka Gabilay dhawaan ka dhacay mudaharaadyo rabshado wata oo ay dadbadani wax ku noqdeen xukuumadana ka qaaday karaamadii awalba ka liidatay ,ee ay dhulka ku joogtay oo kalsoonideedii ka dhigtay eber, waxaana markii hore loo diray wasiiro kasoo jeeda gobolkaas laakiin aan la siin kalsooni arrin iyo adduun ah oo ay arrintan kusoo xaliyaan laakiin waxaa looga danlahaa uun in la sii kala dilo reer Gabilay iyo wasiiradooda waanay dhacday ilayn majiro wasiir dhibaato kasoo tali la yidhi hadana aan xal hayn inay is afgaran karaan dadkii dhibtu gaadhaye waa lagusoo kala kacay kulamadii dhex maray madax dhaqameedka reer Gabilay iyo wasiiradii kasoo jeeday gobolka oo waalaysku afgaran waayay waxaanay ahayd dagaal labaad oo ka mida dagaalada ay xukuumada Axmad Siilaanyo ku wado gobolka Gabilay .
Markii ay ugu hirgashay qoladii kala riixanaysay awooda xukuumada siilaanyo ay mar xeedha iyo fundhaalkala dhaceen ay hadana kadaba dirtay wasiiradii awooda kulahaa xukuumada siilaanyo oo waayadanba la ogaa inaykala sarayso oo aanay wasiiradu isku wasiiro ahayn kugabilaykasoo jeedaana waaba laba wasiir oo maro lookala jeexay oo ah wasaaradaha ganacsiga iyo warshadaha bal adba
Waxaaanayku sinaan sagaal wasiir iyo labajenen ay shalay soo joogsadeen shaashadaha madaxa banaan oo sagaalkaa wasiir iyo madaxdhaqameedka gobolka gabilay ay si aan mugdiku jirin usheegeen inay gaadheen heshiis taasi oo dadawynahii xalay daawanayay ay yaab iyo amakaagka qaadeen labada dawladood eek ala sexeexday heshiiska ,miyaanay arintu ahayn xukuumadii soomaaliland oo soo gabagabaysay dhibaatadii ay dhalisay mudaharaadadii rabshadaha watay,mise tolaw xaga dawlada wadankuba waan iska dhexsoconaaye waawada maamul goboleed .cajab waxaanay halkaa kaga dhaqaaqeen arin aanay u fadhiisan labaatan daqiiqadood arinta gabilay taalaana kawayn labaatan daqiiqo ,waa gobol ay xukuumada siilaanyo dhabarka usii jeedisay waagobol aanay xukuumada siilaanyo ka dhisin laba qol oo iskuul ah waa gobol siyaasiyiintiisii cadawga loo loogay waa gobol jenenadiisii madaxa laga toogtay waa gobol lasii dhaafo oolasoo dhaafo waa gobol ngo yadii maxaliga ahaa aanla siin mashaariic,waagobol meesha aad taabataanba ay goayso markaa waxaa halkaa ka muuqata inaanay xukuumada siilaanyo diyaar u ahayn inay hoos u eegto tabashooyinka reer gabilay arinta wasiiradaasina waxayla mid tahay islaantii aan kusoo sheegnay xaga sare ee ahayd hooyo kuba raagimaayo e rubuca I sii waanaynu eegi doonaa waxaa ka dambeeya irbada oxo da ah eelagusoo muday reer gabilay inay xal keento iyo inay noqoto karis xun iyaduna wax kula
wa bilaahi Tawfiiq
Qalinkii: AA> Ciidle

Weriye A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland