Maayir Cabdicasiis Cagawayne Ayaa Noqday Mayar ku Xigeenkii Ugu Horeeyay Ee Ka qayb Qaata Ololaha Ictiraaf Raadinta Somaliland
Hargeysa (Hubaal) Mayar Ku-xigeenka Caasimada Hargeisa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi Ayaa Warbixin kahor jeediyay Baarlamaanka Dalka Wales, Kasoo Uu Uga Xaal Waramay Xaalada Guud Ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Baarlamaanka dawlada Welsh ee dalka Britain Ayaa ka dooday sidii Somaliland wax loogu qaban lahaa kadib markuu Mayor Cabdi Casiis uu war bixin Buuxda ka Siiyay Xaalada Somaliland kulankii uu la yeeshay Baarlamaanka Welsh. Mayarku Wuxuu Xildhibaanada Iyo Masuuliyiin kale Oo katirsan Dawlada Wales Usoo Bandhigay Dawladnimada Taamka Ah Ee ka jirta Somaliland Iyada Oon Haysan Ictiraaf Caalamiya.
Md Cabdicasiis Maxamed Xaashi Oo Wakhtiyadii Ugu Danbaysay Safar Shaqo Ugu Maqnaa Dalwaynaha Uk Ayaa Intii Uu Joogay Uk Waxa Uu kulamo Gooni Gooni Ah Layeeshay Madaxda Boqortooyada Ingiriiska.
Mayar Cabdicasiis Ayaa warbixintii Uu Siiyay Baarlamaanka Dalka Wales Ay waxwaynka Tari Doontaa Sidii Dawlada Wales Ay Somaliland Ugala Shaqayn Lahayd In Somaliland Hesho Ictiraaf Buuxa
Maayir Cabdicasiis Cagawayne Ayaa Noqday Mayar ku Xigeenkii Ugu Horeeyay Ee Ka qayb Qaata Ololaha Ictiraaf Raadinta Somaliland Waxaana La Odhan Karaa Wuxuu Kamid yahay Masuuliyiintii Ku qanciyay Dawladda Walesh Inay Ictiraaf Buuxda Siiso Dalka Somaliland.

























