Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay sidda uu u arko hadal shalay uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu Guurtidda uga digay in ay muddo kordhin u sameeyaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho shalay kula hadlayay Saxaafadda Somaliland Magaaladda Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Arinta uu Faysal Cali Waraabe leeyahay waa arrin farsamo waxba kama-jiraan ee waa arin Dastuuri ah, anaguna Guurti ahaan waxaanu Kordhinaa bil ka dib marka ay dhaafto doorashada, laakiin, Iyada oo Doorasho dhawayn, oo cidii Doorashada ku shaqo lahayd aanay wali ka hadal waxa la isku waalo maaha, imikana waxaaba Doorashada ka hadhay lix Bilood oo kaliya.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu intaas ku daray “Komiishanka ayay ka Timaadaa codsiga muddo Kordhintu, marka xiligeeda la gaadho anaga oo eegayna duruufaha Iyo xaaladaha dalka ka jira, Komiishanka iyo Asxaabta Mucaaradka ayaa wada kulma markaas ayay Go’aanka gadhaan,lakiin marka ay mudo Kordhinta gaadho cidna kama abaashano Dalkuna geli-maayo fawdo”
Xisbiyadda Mucaaridka ah ayaa hore Golaha Guurtidda uga digay inay muddo kordhin u sameeyaan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyaga oo arrintaasi ku sababeeyay mid ay Xukuumaddu doorashadda dib ugu dhigayso.
HALKAN KA DAAWO XILDHIBAANKA OO AMUURTAN KA HADLAYA