Khilaaf Ku Sallaysan Heshiis Saddex Xagal Ah Oo Ka Dhex Qarxay Hoggaanka WADDANI Iyo Qoddobka Sababay Ismaan-dhaafka

0
40

Xarunta Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Jewiga Khilaafkan Laga Dareemay+Guddoomiye Ku Xigeenka  Xisbiga Iyo Guddoomiye Cirro Oo Laba Garab U Kala Jabay

Shaxda Guddoomiyuhu U Jeexay Xulashada Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka    Oo Ka Cadhaysiisay Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Oo Isu Qoon-deeyey Jagadaas.hogaanka xisbiga waddani

Hargaysa(Hubaal)-Khilaaf siyaasiya ayaa ka dhex abuurmay hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani kaas oo salka ku haya musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani Cida Noqonaysa, ka dib markii gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani mudane Axmed Muumin Seed uu ku war helay Heshiis Qarsoodi oo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mr. C/raxmaan Cirro la galay Odayaasha iyo Siyaasiyiin Reer Awdal ah kaas oo ay ku heshiiyeen Musharaxa madaxweyne Ku Xigeen laga dhigo Siyaasi kale oo aan ahayn Axmed Muumin Seed islamarkaana ay reer Awdal iska soo dhex Xulaan Si loogu Ansixiyo Shirweynaha Xisbiga Waddani iyo Shirka Golaha Dhexe oo la Filaayo inuu dhawaan la qabto.  Ugu yaraan sadex Siyaasi ayaa midba dhankiisa ula heshiiyay Gudoomiye Cirro inuu ka dhigo madaxweyne ku xigeenka Xisbiga waddani iyada oo taasina ay ismaan dhaaf sababay khilaaf Laba Garab ukala jabiyay Hogaanka sare ee Xisbiga Waddani oo haatan soo ifbaxaaya ay ka dhex samaysay.  Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane  Maxamed C/laahi Uurcade ayaa isku dhan Noqday iyaga Dabayaaqadii todobaadkii Hore Gudoomiye Cirro u Diray Warqad ay kaga Codsadeen inuu ka laabto islamarkaana uu joojiyo Heshiisyada Qarsoodiga ah ee uu la galaayo odayaasha Reer Awdal iyo Siyaasiyiin Taageersan Xisbiga Waddani ee ka soo jeeda Gobalka Awdal,balse waxa la sheegay inuu Gudoomiye Cirro ugu jawaabay ku xigeenkiisa in aanu ka noqonayn heshiiska uu la galay isaga oo Axmed Muumin seed ugu Bushaareeyay inuu Nasiibkiisa ka qaado shirka Golaha Dhexe,ee xisbiga Waddani. Warkan oo aanu kasoo xiganay Waaheen.com  waxa uu intaa ku daray in  arrintaasi cadho gelisay guddoomiye ku xigeenka WADDANI iyo xoghayaha guud ee xisbiga, isla markaana xarunta dhexe ee xisbigu Hargeysa ku leeyahay laga dareemay jawiga iyo xaasaasiyada   khilaafka hoggaanka sare ka dhex abuurmay oo la weriyey in muddo uu huursanaa balse immika dibada u soo baxay.  Ma jiro war rasmia  oo labada dhinac ay arrintan ka soo saareen  khilaafkan iyo halka uu ku dembayn doono hase ahaatee  murankan ayaa ku soo beegmay xilli  xisbiga WADDANI dhiggiisa talada haya ee KULMIYE uu ka jiro qabanqaabada shirka golaha dhexe ee  xisbigu ku dooranayo musharraxa madaxweynaha ugu tartamaya doorashada madaxtooyada.   Sida laga warqabo xisbiga WADDANI oo ku cusub saaxadda siyaasadda ayaa ah guur dambayska axsaabta siyaasadda ee saddexda ah eek u jira garoonka siyaasadda,  isaga oo ahaa xisbiga ugu da;da yar  aasaaskiisuna ugu dembeeyey, marka laga reebo Gudoomiyaha Xisbigaasi Mr. Cirro,oo isagu mudDo Toban Sanno ah ka dhex muuqday Siyaasada Somaliland, ahna gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee mudDo kordhinta ku fadhiya Aqalka Baarlamaanka Somaliland, balse Siyaasiyiinta kale ee ku jira Xisbiga Waddani ayaa intooda badani ay yahiin kuwo haatan bar bilaw u tahay Nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland Inkastoo qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ugu tunka weyni ay  markii hore xisbul xaakimka ka mid ahaayeen xilalna xukuumadda kasoo qabteen balse markii dembe isugu soo biyo shubtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Xigasho: Waaheen.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here