Hargeysa, (Hubaal)-Wasiirkada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa casho sharaf u sameeyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Timacade, Wasiirka oo qoraal koobaan ku baahiyay Bartuu ku leeyahay Internetka, wuxuu ku faah faahiyay Muhiimada dhiirigalinta dhalinyaradda Waxbarashada dhammaysta.
Qoraalka oo dhammaystiran dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.
“Khayraadka dabiiciga ah ee ugu wayn Somaliland waa Maskaxda Qalinjibiyayaasha Dalkeena“Our greatest Natural Resource is the Minds of our Graduates”
Waxay ahayd xalay kadib markaan kulan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabilay
Waxay ahayd madal sharfan oo aan helanay 64 “Afar iyo iIxdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doonaa dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada
Waxaa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen
Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya Illaahii uurka hooyadii ku arsaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho
Waxaan ku boorinayaa in ay noqdaan halyeeyo u heelan horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa
Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan“Laba wiil ayaa waxaa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna uugu jawaabay “Walaalkay ayaa ii iibshay”
Labadii wiil waxaa ku soo kala dhacay labadan fikiradood
Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha
Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha
U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxaa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona wax bixiya midna wax qaate!
Waan idiinku hambalyeynayaa in aad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uuga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah “A person without Education is like a bird without wings”