Dawladda Somalia ayaa sheegtay inay soo afjartay weerarkii lagu qabsaday hotelka
Muqdisho(Hubaal) -Ugu yaraan 20 qof baa ku dhintay tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay weerar Xooggaga Al-shabaab galinkii dambe ee Jimcaha ku qabsadeen Hotelka Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.Dadka weerarka ku dhintay waxaa ku jira safiirkii Somalia u fadhiyay wadanka Switzerland Yuusuf Bare-bare.
Inkasta oo Dawladda Somalia Xalay sheegtay inay soo afjartay Weerarkii lagu qabsaday Hotelka, haddana Saaka ayaa rasaas iyo qaraxyo dib uga bilawdaan taasi oo muujinaysa in wali maleeshiyada Shabaab ee weerarka gaysatay wali gacanta ku hayso Hotelka.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerarka bilawday abaaro shantii galabnimo ee Jimcaha, iyadoo la wareegtay Gacan ku haynta Hotelka sidoo kalena la sheegay inay Laydhka jareen sidaas darteedna xalay ay adkaatay in wax la Arko. Waxaa aagga Hotelka buux dhaafiyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda, kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyada kale ka joojiyay. Hotelka ayaa burbur laxaad lehi soo gaadhay
Hotelkan oo caan ku ah inay joogaan Masuuliyiinta dawladda,Ganacsato iyo dad magac leh kuna jira meelaha aadka loo ilaaliyo ayaa dablay Al-shabaab ka tirsan isku qarxiyeen kadibna koox hubaysani gudaha u gashay.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarka “Annaga ayaa ka dambeynay weerarka Makka Al-mukarama, dagaalkuna wali gudaha hotelka ayuu ka socdaa” ayuu Reuters u sheegay afhayeenka hawl galada Alshabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab intii uu socday dagaalku.