Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Mar Kale Ka Qarxay Deegaamo Ka Tirsan Degmada Ceel-afweyn

0
31

Fadhigaab (Hubaal) – Deegaanka fadhigaab oo ka tirsan degmada Ceelafweyn ee Gobolka sanaag, ayaa la sheegay inay ka bilawdeen dagaal mar kale dib uga qarxay halkaasi oo u dhexeeya beelihii halkaasi hore ugu dagaalamay qaybo ka mid ah. dagaalkan ayaa warar ay somalilandrise.com ka heshay waxa ay sheegayaan inay jiraan khaasare labada dhinacba ah kuwaas oo aan illaa hadda si rasmi ah ;loo xaqiijin tirada ay gaadhay khasaaaradhaasi, waxaanay warar deegaankaas ka imanayaa tibaaxayaan in ugu yaraan sadex qor warar qaar sheegayaan iyo in ka badan labada dhinacba. Dagaalkan ka qarxay deegaanka fadhigaab ee Gobolka sanaag, ayaa labadaasi beelood ee ee hore ugu dagaalamay deegaamada dararweyne iyo meelo kale oo ka tirsan deegaan Ceelafweyn oo dhowaan halkasi lagu soo geba gabeeyey, balse arrinta dagaalkan kaleee ka soo cusboonaaday halkaasi, ayaan la garanayn sababta soo celisay collaaddaasi dib uga bil;aabatay deegaankaasi isla maanta oo muddo kooban laga joogo xallinta colladaasi laba beelood dhinacyana laga dhaariyey gacmahana la isku saaray beelahaasi. Masuulyiinta gobolka sanaag oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino dagaallkan dib uga qarxay deegaanka fadhigaab ee labadan beelood ee collaadoodu raagtay u dheexayaa ayaanau noo suurta gelin inaanu helno, balse dad deegaanka, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalkaasi inuu halkaasi dib uga bilawday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here