Hirdanka Wasiirrada + Heshiisyada is-burinaya + Hulaabta qarsoon + hagar-daamada Qaranka iyo halista Marsada
Hargeysa(Hubaal)-Kasokow loollanka awoodda iyo kala riixashadda gacan-ku-maamulka Madaxweynaha ee u dhexeeya xubnaha Gollaha Xukuummadda Somaliland qaarkood, waxa kaloo, iyanna hirddan iyo laac-dan ba’ani uu ka taagan yahay gacan-ku-dhiggista illaha dhaqaale, iyo sidoo kale, mulkiyadda Kaabayaasha marrinadda u ah wax-soo-saarka dalka, ha noqdaan kuwa dawladdu maamusho hadda ama qaar bulshada gacanteeda baaqi ku ahe.
Tallaabooyinkan ayaa marka dhinac kale, laga eego waxa ay qayb ka yihiin asbaabaha loo daliishaddo [ilaahay inaguma keenee] marka awoodda maamul ee taladda dalku ku baahdo gacmo kaloo aan ahayn ciddii bulshadu u igmatay. Sidii ka dhacday Jamhuuriyaddii Soomaaliya [Oo xilligaa ka koobnayd Somaliland/Koonfurta Soomaaliya] badhtamihii Siddeetanaadkii wixii ka danbeeyay markii Shil-gaadhi uu ku dhaawacmay Keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waqtigaas oo wixii ka danbeeyay talladdii hoggaaminta dalku gacanta u gashay qaraabaddiisii iyo xubno xididka la ahaa, kuwaas oo markii tallooyinkoodu noqdeen kuwo anshaxa-siyaasadda iyo hab-dhaqankii Soomaalidu lahayd ka baxsan aakhir meesha ka saaray jiritaanka dawladdii Milateriga, isla mar-ahaantaana nidaamkii Siyaad Barre dhaxalsiiyey bur-bur aan kasoo-waaqsi lahayn, kaasoo daraf ilaa daraf saameeyey dhulkii markaa hoos iman jiray Maamulka Muqdisho.
Haddaba marka taa laga yimaado, waxa Somaliland Maanta ka muuqda saan-saan u’eg ifafaalihii waqtigaas oo kale, waxaana arimahan markhaati u ah loolllanka, is-garab-yaaca iyo mulaaqa-maamul ka muuqday ee Arbacadii doraad ka dhacay Madaarka Magaalada Berbera, halkaas oo sida la sheegay gelinkii danbe isla-maalintaas uu kusoo aadanaa wefti ka socdey shirkadda maamusha Dekeddaha Dubai oo lagu magacaabo Dubai Ports World [DP], oo ah Dallad laga maamulo Lixdan Dekeddood, oo isugu jira kuwo caalamiya iyo qaar Maxaliya inta-ba,.
Weftigaas, ayaa waxa soo dhoweyntooda awgeed si habaqle ah uga hortegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaasoo sida ku cad rogaal-celiska weftiga ee Berbera u muuqda xubnaha dhabta ah ee ku loollama gacan-ku-maamulka awoodda talladda dalka, maadaama ay ahayd haddii safarka weftigu salka ku hayo arimo Maalgashi in wufuuda iyo Madaxweynuhu is-arkaan, hase-ahaatee, sida dhacday beddelkii kaalintaas ay kala buuxiyeen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X. Cali iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxa kaloo, xoggaha dhacdaa la xidhiidha ee Wargeyska Yool helay, ay qaarkood xuseen in xubnaha Wasiirrada ee soo dhoweynta weftiga u tegay Magaalada Berbera uu ku jirey Wasiirka Ganacsiga Somaliland Muuse Qaasin.
Docda kale, inkastoo aan la sheegin tiradda xubnaha weftiga, hadana waxa xogaha qaar tibaaxeen inay wufuuda xubno ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday shirkadda P&O, oo laga leeyahay Boqortooyadda Ingiriiska, hase-yeeshee 2006-dii ay iibsatay shirkadda maamusha Dekeddaha Dubai ee lagu magacaabo Dubai Ports World, taasoo iibkeedu ku kacay dhaqaale gaadhaya Toddoba Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah.
Geesta kale, warar Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow Meegaarka madashii kulanku ka dhacay, ayaa kusoo waramay in Beytul-qasiidka safarka wufuudda Imaaraatku uu salka ku hayey heshiis ku aadan maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera iyo xarumaha kaydka Haamaha shidaalka inay la galaan Xukuumadda Somaliland, arintaasoo sida wararka qaarkood tilmaameen ahayd mid Ax-waasheedu in muddo ah-ba socotey, isla markaana tiraba dhawr jeer kulano arintan la xidhiidha uu dhex-maray Masuuliin xilal-hoose ka haya Xukuumadda iyo Ashqaas aan xil-qaranka u hayn, balse ku ciyaara Kaadhka qoyska Madaxtooyadda iyo Masuuliyiin sare oo ka socdey shirkadda Dubai Ports World, kuwaasoo ku qabsoomay Magaalada Dubai. Wararku intaa waxay ku dareen, haddii uu surta-galo heshiiska lagu wado inuu dhex-maro Xukuumadda Somaliland iyo Dubai Ports World, waxa shirakaddu la wareegi doonto gebi ahaan-ba maamulka iyo gacan-ku-haynta hawlaha Dekedda Berbera, iyo sidoo kale, Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, iyadoo sida tibaaxaha qaar lagu sheegay haba-yaraatee, aanay u qorshaysnayn shirkadda Imaaraatiga ah inay balaadhin ku samayso Dekedda Berbera ama wax dhaqaale ah iska geliso.
Dhanka kale, waxa hirddanka iyo laac-danka gacan-ku-dhiggista illaha dhaqaale ee masuuliyiinta Xukuumaddu uu daaha-ka-feyday sida xubnaha Golaha Wasiiradda qaarkood danihii qaranka ee Madaxweynuhu u igmaday ugaga mashquuleen Maxafisiga danahooda gaarka ah. Dhaqamadda noocan oo kale ah ee xubno Golaha Wasiiradda ka tirsani caaddada ka dhigteen, waxa daliil u ah isku garraaca iyo is-barbar eriga shirkaddaha Ajnebiga oo qolo waliba geesteeda ugu cararayso inay gacanta-ku-dhiggaan ilaha dhaqaalaha dalku kasoo xerroodo iyo Kaabayaasha Arimaha bulshada, kuwaasoo marka loo eego jiritaanka qaranimo iyo kan dawladdeed, inta-ba noqonaya tallaabo ka baxsan Maamul-wanaaga, Milgaha iyo Anshaxa siyaasaddeed ee Caalamku uu ku shaqeeyo.
Loollanadda Beri-wal-Baxarka ah, ayaa sidoo kale, waxa iyana geestooda u cokan koox kaloo ka tirsan Golaha Wasiiradda, kuwaasoo iyaguna dhankooda Tunka ku sida shirkadd kale oo laga leeyahay dalka Faransiiska, laguna Magacaabo Baloria, taasoo tan iyo cahdigii Rayaale kolba marka meeli ku adkaato, gees kale kasoo gelayey Xukuumaddihii taladda dalka u kala danbeeyey. Marka laga reebo god-mulacyayntan u danbeysay oo hadda uu gadh-wadeen ka yahay Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis.
Shirkaddaas waxay sida dadka u dhuun-daloolaa tibaaxaan ay heshiis ku yihiin Wasiir Biixi inay siiso saami-qaybsi caddadkiisa lagu sheegay 15%, iyo sidoo kale, inay dhaqaale ku taageerto haddii uu isu soo taago tartanka Madaxtinimadda dalka, ka gaddaal Madaxweyne Siilaanyo marka hoggaaminta dalka HAA-KAH uu ka noqdo.
Shirkadda Baloria, ayaa docdeeda waxa ay u heelan tahay sidii ay gacan-ugu-dhigi lahayd maamulka Dekedda Berbera, halka sidoo kalena, ku tallo-jirto haddii Xukuumadda Somaliland qalinka ugu duugto heshiiskaas inay Dekedda Berbera shaqaale kooban oo Ajnebi ah, kuwaasoo beddel u noqon doona Muwaadiniinta nolol maalmeedka qoysaskooda hadda ka xoogsadda.
Si kastaba arimuhu ha isu barbar Buraameeyeene, waxa isweydiintu tahay muddo intee le’eg ayey sii socon doonaan Kacdoonaddan dhaqaale xuuraanka ah, iyo beretanka awood kala riixashadda ee aan Jara-baraddka ahayn, una dhexeeyay koox Gole Xukuumaddeed ka wada-tirsan.
source:GNA