Ka Bogo Qormo Iftiiminaysa Halgankii Iyo Haldaygii Aadan Tarabbi Jaamac.

0
162

Ka Bogo Qormo Iftiiminaysa Halgankii Iyo Haldaygii Aadan Tarabbi Jaamac. W/Q: Sharmaarke A. Qaloonbi

 

Ballisamatar markii ciidamadii SNM ka soo baxayeen wuxuu ahaa ninka qudha ee ku labeeyey xagga hadalka Axmed Mire dardaaran dhiirigalin, iyo Geeraarbuu isagu daray Aadan, markaasaa iyadoo lays gunaanaday loo soo baxay Burco. 1988kii 27 May Burco ayuu ku dhaawacmay agagaarka Eeriboodhka isagoo hawlgalintii ciidanka la wareegay dhimashadii Hay liqin kaddib. Aadan Tarabbi markii uu Burco ku dhaawacmay waxa loo qaaday isaga iyo rag badan oo kale Gunbur Libaax.

Horraantii 1989-kii isaga iyo Muj Haybe Obsiiye Dhunkaal (Ahun), Muj Khaliif Maxamed (sandheere) Muj. Cali Axmed Carab, Muj Cabdi Badhar, Muj Axmed GR, Muj, Khaliif Ducaale Xundhur. Waxay toos uu waajaheen Degmada Garadag halkaas uu Aadan Tarabbi duleedka magaalada ku ururiyey 80-nin oo reer Garadag ah ciidanka cadawgu wuxuu degganaa tuurta yar ee Farcaad. Odayaashii magaalada ayaa Aadan Tarabbi gudaha magaalada ku soo dhaweeyey laba habeen ayuu ku jiray gudaha degmada Garadag ciidankii cadawga ee joogay Farcaad way ku dhici kari waayeren inay gudaha u galaan Degmada Gar-adag.

War dhiillo leh ayaan ka yimi maalmahaa Fadhigaab waxa qaylo ka soo yeedhay ciidan uu ku ururiyey Maxamed Xaaji Ducaale Dhoollayare magaalada Fadhigaab. Ciidan xooggan oo cadawgu wato ayaa Ceerigaabo ka soo baxay qorshahooduna wuxuu ahaa inay Fadhigaab qabsadaan gacanta lagu dhigo Maxamed Xaaji Ducaale Dhoollayare.

Aadan Tarabbi oo ay la socdaa Mujaahidintaa kor ku xusan ayaa ka baxay Gar-adag waxaanay u jihaysteen Fadhigaab. Sida uu Aadan Tarabbi sheegay waxay ku kulmeen duleedka bari ee Fadhigaab ciidankii Ceerigaabo ka yimi. Waxaa halkaa ka dhacay dagaal saddex habeen iyo saddex maalmood oo xidhiidh ah socday. Fooddana may soo galin cadawgu Fadhigaab. Dagaalkaa waxa galay rag uu kamid yahay Caaqil Cali Xirsi iyo Maxamed Xaaji Ducaale laftiisa oo qoriga digta saartay. Gaadhi uu lahaa Goox sarkhaan uu faqashu ka qaadday ayaa dib looga qaaday iyagoo itaal daran raggii wacdaraha dhigay waxaa kamid ahaa ee Aadan Tarabbi ku faanay maalintaa Axmed TX iyo Cali Axmed Carab (Dhegey) oo ahaa dhakhtarkii daweynayey ciidanka Guutada 7aad.

Maaalmo yar kaddib Aadan Tarabbi wuxuu afka saaray Ceel-afweyn oo noqotay degmadii ugu horreysay Soomaalilaan ee dibadda looga saaray ciidamadii cadawga. Sannadku waa horraantii 1989-kii isagoo wata 200-oo nin waxaanuu dibadda uga saaray ciidamadii haystay ee cadawga. Kadibna waxa loo dalbaday diyaarad taas oo rushaysay bannaankana uga saartay Aadan Tarabbi iyo ciidankii uu watay markii danbana saddex xabbo oo rasaas ah ayaa shafka iyo naaska bidix isu dalooliyey isagoo sanbabku aanu waxba noqon. Waxa loo qaaday xaggaa iyo Qoridheere.

Aadan tarabi

Saddex bilood kaddib isagoo aan sifiican uwada bogsan uu meeshii uu istaagaba laga saarayo oo ciidan daba socdo waligiina aan u bixin galbeed iyo Itoobiya. Wuxuu abaabulay dagaalkii caanka ahaa ee baabuurta iyo raggaba lagu qabsaday waa GAWASANEE. Guutadii 7aad oo Aadan Tarabbi wato waxay dhurbaaxo xun ugu geysteen ciidamadii cadawga GAWSAWEYE iyagoo libin weyn ka helay kana guulaystay. GAWSAWEYNE dadkii goob joogga u ahaa waxay ku tilmaameen inuu ahaa dagaal arxandaran oo ilaahay nasriga ku siiyey Guutadii 7aad. Dhaawac kale oo fudud oo sannif ah ayuu kala kulmay umase joojin hore ayuu u socday.

Isla 1990-illaa 1991-kii wuxuu jidgoyn ka galay Ceeldhaab, Wadaamagoo, Buundada Qoryaale Kirir, iyagoo dhurbaaxo xun u geystay ciidamadii waddadaas mari jiray.

Madag oo ah Bariga Saaxil ayuu Aadan Tarabbi Jaamac u guuray oo saldhigweyn ka samaystay halkaa waxay isku muteen ciidamadii xeebta ee uu wadan jiray Muuse Bili dagaallo googoos ah kaddib Aadan Tarabbi wuxuu ugudbay magaalada Berbera uu ka fuliyey Burco Kibir iyo Jamaale xabbado tuurtuur ah markii ay u socon weyday qorshe uu ku doonayey inuu ku dhaawaco saraakiisha sare. Raggii la socday waxaa kamid ahaa Aadan Ismaaciil Jeenicadde, Cawil Xaashi Caligeri oo qaarkood ay kamid yihiin Ciidamada Qaranka. Iyo Jaamac Daahir Xasan oo ah aqoonyahan bartay culuumta Macdanaha.

Ka hor bishii May1988-kii wuxuu galay isaga iyo Cabdiraxmaan Maxamed Case Togga ULASAN isagoo ku jabiyey ciidan laxaad badan oo watay bililiqo Burco laga dhacay kana qabsaday Sabaaxii uu ula baxay Deeqa ee caanka ahaa markii danbana uu siiyey Guutadii Koowaad.

1990-kii wuxuu galay isaga iyo Guutadii uu madaxda u ahaa ee 7aad 5-dagaal oo ka dhacay BEDWYEN iyo Jidhaandaraley. Oo xasuus gaara ku leh dadka deegaankaa oo dhibaato aad u badani ka soo gaadhay.

1991-kii Markii SNM gudaha waddanka u soo gashay isagoo jooga Burco waxa la soo xidhiiday Cabaade Yuusuf oo hadda nool Cabaade Aadan Tarabbi wuxuu u sheegay in Maxamuudyare oo haystay ciidankii Berbera ee dawladda uu doonayo inuu u soo baxo dhankaa iyo Burco isagoo aad cabsooday SNMtii markaa Berbera joogtay. Aadan Tarabbi si degdeg ah ayuu Berbera ugu baxay Maxamuudyare oo wata ciidan xooggan ayuu ka soo saaray Berbera isagoo mariyey xeebta Goobaare Xagal iyo Mirriye islamarkaana uu keenay Burco.

Kudarsoo Burco waxa maamulaya KURTIN oo ahaa nin Hawiye ah oo ciidamadii uu watay ku wareejiyey SNM. Sidaas buu isagu keenay KURTIN iyo Maxamuudyare oo ay Burco uga anbabaxeen.

Oktoobar 1984 wuxuu galay Burco Duurray isagoo Maydkii Lixle iyo Axmed Dheere oo hore loo waayey ka helay meel ka baxsan goobtii dagaalku ka dhacay.

1984-kii wuxuu galay Mirriye isagoo saamayn ciidan, sahan, iyo siyaasadeedba ku lahaa Mirriye lana xuso inuu ahaa Maskaxdii ku labeysay Maxamed Kaahin hawlgalkii Mirriye.

1982- isagoo wata 7-mujaahid ayuu galay Faqaayuub oo ka tirsan Gobolka Togdheer, raggii la socday waxaa kamid ahaa, Muuse Madoobe, Muuse Buurdhaab, Muuse Badhyacune. Kadidba wuxuu ugudbay Buurdhaab iyo Sool/Saraar.

1981- wuxuu guure iyo galab carrow ku galay Bariga Saaxil Raaribuul iyo Gubanka fog isagoo Dawgahaangaraad iyo Dar-Allaad uhurudaa ka curiyey basanbaaskii iyo dhibtii ka soo gaadhay.

1980-kii waxa lagu xidhay Dhabarjabintii Hargeysa isagoo ku mutay hanjabaad iyo jidh dil joogto ah. Markii danbana ka baxsay.

1986-kii waxa lala wareegay hantidii aabbihii ku lahaa Burco iyo miyigaba waxaana la xidhay laba nin oo ay xagga hooyo walaalo ka yihiin iyo hooyadii Saaqa Yuusuf Bulay.

1984-1985 wuxuu galay Dhagaxdheer/Togdheer isagoo wata ciidan kooban halkaas oo uu dibadda uga saaray ciidamadii cadawga. Waxaanuu ugudbay TUKUB.

1979-kii wuxuu ahaa abwaannadii faro kutiriska ahaa ee ka badheedhay inaan sidan loo sii socon karin suugaantaas oo aad looga dhibsaday Muqdisho iyo Villa Somalila. Isagoomarkii danbe u baxsaday Sucuudi Carabiya iskamuuse joogine 3-bilood kaddib dhinbiil daba ayuu ka shiday deegannadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Saraar, iyo Togdheer.

Aadan Tarabbi waligii Itoobiya muu tagin marka laga reebo 1983-kii oo oadayaal saraakiil ahi ugu yeedheen xog ka la qaasho iyo tababar fudud. Waaxaanu u soo gudbay Xarshin waana halkay ku kulmeen Maxamed Mooge ee uu ugu dhiibay heestii Halganka. Wuxuu aaminsanaa in neefka xoolaha ah lagu dagaalamo qoriga iyo rasaastana cadawga laga furto. Sidaa weeye ta uu kaga duwanaa colkii Balligubadle iyo Herer joogi jiray.

1990-kii Guutadii toddobaad oo uu wato Aadan Tarabbi iyo Guutadii lixaad oo uu wato Ibraahin Dhagaweyne ayaa hawlgal ka fuliyey xeebta bari ee Berbera.

1992-kii wuxuu ka qaybgalay nabadayntii beelaha Soomaalilaan, isagoo aan ku milmin wixii ragba ku milmay ee naanaysaha kula baxay. 1993,1994,1996,1997, wuxuu ahaa ergay nabadeed oo tagay dhammaan shirarkii waddanka ka dhacay, ee kala ahaa, Drruqsi, Baaldhayey, Beer, Caynaba, Sheekh, Berbera, Hargeysa, iyo Borama.

Aadan Tarabbi Jaamac waa oday reer Soomaalilaana aan sheegan mujaahid kuwa sheegtana la yaaba isagoo xasuusan wuxuu soo maray iyo sida ilaahay u noolaystay.

Hadda wuxuu deggan yahay Hargeysa waxa uu ku kalsoon yahay hibada Maansada isaga oo aan ku fasaqmin nidaamka dawladeed, hadday tahay xisbiyo, qabyaalad, iyo ii dhehda qayrkii dishootay. Waa abwaanka qudha ee bulshada sida tooska aha ugu xidhan waana bulshayn aan fatoosh ahayn.

Waxaan ilaahay uga baryayaa danbigiisa inoo dhaafo wixii uu ummadiisa u qabtayna ku abaaliyo wanaag iyo sharaf sarraysa.

FB_IMG_1498297548529

W/Q: Sharmaarke Cabdi Qaloonbi

Xigasho abwaanka oo Hargeysa jooga.

Qaloonbi245@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here