Jawiga Madashii Ay Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE Shalay Isugu Yimaadeen Iyo Qoddobo Ay Ku Cabireen Khilaafka Xisbiga

0
41

Garabka Taabacsan Maxamed Biixi Iyo Samaale Oo Munaasibad Qabsaday Iyo Ujeedada Ay Xambaarsanayd

Hargeysa:(Hubaal):- Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa maalintii shalay munaasibad balaadhan oo Hotel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxana ay Halkaas kula Hadleen Taageerayaal tiro badan oo ay casuumad u sameeyeen.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro, wasiir xigeenno, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano, siyaasiyiin badan koodu hore xukumadda xilal uga soo qabteen, salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo cuqaal.

12096217_746154308823069_8472872781155202769_n

Saddexa Musharrax oo halkaasi hadallo kala duwan kasoo jeediyey, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ku eedeeyey inay arrimaha Xisbiga isku koobeen, isla-markaana baahi loo qabo in madaxweynuhu soo faro geliyo arrimaha Xisbiga.

Ugu horayn munaasibada qadada ah waxaa ka hadlay guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe,” ayuu yidhi Mr Talyanle.

Xildhibaan Talyanle waxa uu sheegay in markii ay maqleen in golaha dhexe laga diwaangalinayo xarunta xisbiga ay Madaxweyne xigeenka kulan la qaateen saddexda Musharax ee kala ah Maxamed  Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye iyo saddexaad ee Kulmiye Xildhibaan Talyanle, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha ay diidan yihiin, balse xilligii balantu gaadhay uu madaxweyne xigeenku u sheegay in sida guddoomiyaha Kulmiye u qorsheeyay aan waxba laga bedelayn.“Waxaa jirtay in xalay madaxweyne xigeenku soo hadlay oo noo yeedhay, oo nagu yidhi subaxnimada Sabtida ha ii yimaadaan saddexda musharax iyo labadayaga guddoomiye xigeenno, waxaanu isla eegnay arrintaas waxaanuna isla garanay inaanu u tagno. Balankii oo aanu halkaas dhignay ayaa xalay waxay ciidamada RRU-du waxay ku gudeen oo guluf galiyeen hotelkii aanu qadada maanta ka balaminay oo Maansoor ahaa. Ciidankii hotelka joogay waa la qaaday, waa lala wareegay oo meeshii argagax baa laga abuuray. Waa markii u horaysay ee dawladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye golihiisa wasiirada, goleyaasha qaranka oo dawladda oo isku duubani ay isku adeegsato RRU. Waa wax aad iyo aad loola yaabo oo aan hore u dhicin. Markii intaasi dhacday ninkii Hotelka lahaa ee ganacsadaha ahaa wuu dano sheegtay oo wuxuu yidhi haddii aanay xukumaddii iyo xisbigiinii is waafaqsanayn meesha dad caddaan ah baa jooga, waxaana madashan inoogu deeqay Cali Cumar Guuleed,” ayuu yidhi Xildhibaan Talyanle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  ahna Musharraxa Madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Biixi yoonis oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa ugu horrayn eebe ka tuugay inuu sida wanaagu ku jiro waafajiyo, “Ilaahaw Kursigaas Haddii uu Khayr iigu jiro isii Haddii kalen iga daa, Saddexdayada Musharraxba waxa aanu ku suntan nahay inaanu shuruucda waddanka ilaalino una hoggaansanno xeerarka xisbiga, waxana naga go’an in haddii aanu Kulmiye Nahay Taariikhdii madaxweynuhu ka tegay aanu halkaas kasii qaadno.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Musharrax Maxamed Biixi waxa uu intaas ku  daray,

“Anigu Shakhsiyan haddii fursad la isiiyo waxa aan isleeyahay halka waddanku joogo hore ayaad uga qaadi doontaa, Oggolaanna mayno inuu nin maroorsado Talada Xisbiga, Nabadda iyo horumarka dalkana ilaalinteedu waa waajib na wada saaran.dibin-daabyadeeda cidna ka yeeli mayno.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaiyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna Musharrax Jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye u taagan oo hadal dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa ku dooday in munaasibadda ay qabsadeen ahayd mid Reer Somaliland oo dhami ku kulmeen, isagoo Musharriinta ay  Xisbiga dhexdiisa ku kala mawqifka yihiin ku eedeeyey inay qabsadeen munaasibado reeraysan, waxana uu yidhi,“xisbigaad doonto ka kaalay oo inagoo walaalo ah oo aan kala sheegan aynu tartanno. Maanta haddii ay ahayd in wax la joojiyo oo wax lala dagaallamo waxa ay ahayd in la joojiyo munaasibadaha wasiirrada qaranku tegayaan ee Qabyaaladda lagaga hadlayo ayey ahayd in la joojiyee maanta oo munaasibaddani ay Somaliland oo dhan ay kulminaysay oo aynaan xumaan Dawladeena ka sheegaynin munaasibaddii Tignakada loo dalbanayey may ahayn.”

Musharax Samaale waxa uu halkaas ka caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu wax ku raadsado Rabitaanka shacbiga, isagoo carrabaabay  fursado dheer ah oo uu dheer yahay dhiggiisa Muuse Biixi, kuwaas oo uu ku helay Xilka Guddoomiyenimo oo uu hore ugu soo tartamay,

“ragga tartamaya inaan ugu da’yarahay baa laga yaabaa waxana aan oggolahay wax kasta oo ay Somaliland jeceshahay, hore waad u ogaydeen inaan guddoomiyenimada Xisbiga isu taagay anigoo ogaa qofka Xisbiga Guddoomiye ka noqdaa inuu Fursado badan lahaa, Fursadahaasna waxa kamid ah in Maanta Walaalkay Muuse Biixi Cabdi maanta uu magacaabi karo 23-xubnood oo Golaha dhexe ah aniga, Maxamed Biixi iyo Axmed Kijandhe midna waxba ma magacaabi karo. Aakhirkii Iska daa baa la igu yidhi Guddoomiyenimada musharraxnimadiina Malaga yaabaa in la yidhaahdo Cabdicasiisow haku tartamin.” Ayuu yidhi Musharrax Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Waca uu cabasho weyn ka muujiyey Diidmo xukuumaddu kula kacday Munaasibadda ay shalay qabsadeen oo marka hore u qorshaysanayd Hutel Mansoor, waxana uu tilmaamay in munaasibado wasiirada xukuumaddu si joogto ah u qabsadaan aan cidi joojin, waxana uu yidhi,“saddexdayada halkan fadhinaa maanta waxanu doonaynaa in tartan xalaal ahi dhaco, Horena Toddoba casuumadood baa la sameeyey madaxweyne-ku-xigeenkuna qaar jifo hoose ah buu sameeyey, aniguse taas qiimaha leh baanu samaynee maxaa tanna ciidanka loo geliyey kuwaas horena loo joojin waayey.”

Cabdikariin Xinif, agaasimaha maamulka xisaabaadka ee komishanka la dagaalka AID-ka, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaanu guddoomiyaha Kulmiye awood u lahayn qabashada iyo qabanqaabinta shirka golaha dhexe. Waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, wuxuuna meesha ka saaray in jaamac Shabeel yahay guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qodobada ay doonayaan in wax laga qabto “Madaxweynaha qaranka ee cid waliba dugsanayso waa inuu magacaabo guddi qabanqaabo oo lagu wada qanco. Madaxweynuhu cid lagu kalsoon yahay ha noo magacaabo, anagu taas ayaanu ogolahay.  Qodobka kale ee khilaafku ka taagan yahay waxa weeye golaha dhexe. Guddidaas dhexdhexaadka ah ayaa  qabanaysa qodobada la isku hayo;  kow hubinta  xubnaha golaha dhexe ma yihiin kuwii jiray. Laba samaynta kaadhadhka. Saddex bedelaada jagooyinka bannaaday,” ayuu yidhi Mr Xinif.

Cabdikariin Xinif wuxuu soo bandhigay afar qodob oo garabkoodu u arkaan xalka khilaafka Kulmiye waxayna kala yihiin:-

“Talo soo jeedintayada waxay tahay oo aanu xal u aragnaa afartan qodob:

  1. In la joojiyo hawlaha imika sida khaldan u socda ee cid gaari si gaar ah u maamulanayso ee la xidhiidha shirka een la isla ogolayn; sida kaadhadh samaynta iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday ee aan la isla ogolayn, xal baanu aragnaa garna waanu u aragnaa.

  1. In la helo guddi dhexdhexaad ah oo hawlaha shirka golaha dhexe maamusha;

  1. In la abuuro jawi keeni kara kalsooni iyo niyadsami lagu tartamo, taas oo ay ka dhalanayso in musharaxa si xalaal ah ugu guulaysta lagu hambalyeeyo laguna gacan qaado, kadibna loogu midoobo sidii soo saaristiisa loo fulin lahaa;

4.In laga fogaado in la isku colaadsado fikirka iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha ee musharaxiinta dhexdooda iyo xubnaha kale ee golaha waa la isku colaadsaday oo waa taas saakaba Baybayada la isku adeegsadaye, yaan la isku colaadsan artida xisbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Mr Xinif.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here