Jamaal Cali Xuseen Oo Qaraarkii Ay Guddoomiyihiisa Kala Saxeexdeen Ku Maseeyey Heshiis Dhex Maray Laba Ganacsade, Faduulna Ku Tilmaamay Damaciisa

0
33

Dhaar Shuruudaysan Oo Musharraxa Ucid Ku Xidhay Jiritaanka Xisbigiisa Haddii Dacwadda Lagaga Guulaysto

“Annagu Kursi U Waalan Mayno [Waayo] Markii Hore Ayaanu [Siyaasadda] Waalli U Nimi, Maantana Haddii Nalaga Badiyo Waanu Iska Tegaynaa, Iaga Walle’se Haddii Kiiska UCID Fashilmo Inaanay Dalka Doorasho Ka Dhacay”

++++

“Waad Ogtihiiin Oo Laba Nin Oo Ganacsade Ahi Markay Heshiis Wada Galaan Haddii Uu Midi Ka Baxo Ka Kale Maxakamadda Ayuu Ka Dacweeyaa   Ma Jeclin In Nala Dulmiyo, Dadkale Inaanu Dulminona Ma Jeclin”

+++++

“ Maanta Waxaanu Ninkaa Weyn Ee Toddobaatan Jirka Ah   Ka Rejaynaynay In Uu Hoggaamiyo Noo Noqdo Oo Uu Gacanta Na Hayo , Inaanu Maanta Maxakamad Isla Meeraysannana Waa Mid Aan La Filayn”

JamaalHargeysa (Hubaal) – Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay Dacwad u dhaxaysa dhinacyada Xisbigaas ee ay kala hoggamaiyaan isaga iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, taasoo ay shalay  fureen Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada ee Somaliland. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay inaanay Somaliland doorasho ka dhici doonin haddii lagu fashilmo Kiiska ama Dacwadda u dhaxaysa dhinacyada Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isla markaana dad uu sheegay inay dabada ka soo riixayaan dhinaca ka soo horjeeda iyo dad kaleba ay galaafan doonto. Waxa kale oo uu Jamaal Cali Xuseen sheegay, in Dimuquraadiyaddii Somaliland Maxkamad saaran tahay, sidoo kale Xisbiyada Somaliland Maxkamad saaran tahay, isla markaana Dacwadda Natiijada ka soo baxda ay dhawri doonaan. Hadalka uu Warbaahinta Siiyay Jamaalna waxaa uu ku bilaabay sidan “  “sida xaqu ahaa may ahayn inaynu maanta dacwad ku jirno, [waayo] bishii cibaadada ayaynu ku jirnaa, laakiin muddo afar sanno ah dulmi aanu ku jirnay oo Eng. Feysal Cali Waraabe nagu hayay darteed ayaynu nagu kalliftay inaanu dacwad galno”. Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo shalay warbaahinta kula hadlay wajahadda xarunta diiwaangelinta ururrada ee dacwadoodu ka socotay, waxaanu inta aku daray “dacwadayadu laba bilood ayay qaadatay illaa inta la isu imanayo, maantana [shalay] waa la isu yimi oo dacwaddii baa bilaabantay qareennadayadii waa kuwii gudbiyey dacwadda, kuwoodiina [qareennada garabka kale] waa kuwii hadlay. Maantana waxaan idiin sheegayaa dimuqraadiyaddii Somaliland maxakamad bay saaran tahay, heshiisyada dadka muslimiiinta ahi wada galaanna maanta maxakamad buu saaran yahay. Waad ogtihiiin oo laba nin oo ganacsade ahi markay heshiis wada galaan haddii uu midi ka baxo ka kale wuu dacwad tagaayoo maxakamadda ayuu ka dacweeyaa ninkaa ganacsada ah ee heshiiska kaga baxay, hadda waa heshiis yar oo laba nin oo ganacsadeyaal ahi wada galeen. Waxaan idin leeyahay  maanta waxaanu illaahay ka rejaynaynaa in dacwadda halkan ka bilaabantay uu illaahay inoogu soo afjaro si khayr leh, dadkana khayr u leh, hanaanka dimuqraadiyada Somaliland khayr u leh, waayo qofna ma jecla in uu qof dulmiyo, annaguna ma jeclin in nala dulmiyo, dadkale inaanu dulminona ma jeclin”.

Musharraxa UCID  waxaa uu niyad xumo kamuujiyey carqalad uus heegay in lagu bilaabay hankiisa xilli ay kaabiga soo saaran tahay midhaha tacab siyaasadeed oo uu muddo afar sanno ah ku soo jiray “in xisbi  siiroo ah aanu xoog iyo xoollaba galinay maalin alla maalintii doorashadu soo dhawaatay carqalad nalagu bilaabo waa mid ayaan darro  iyo xaq darrro cadaan ah, mid la aqbali karana ma aha. Maanta waxaanu ninkaa weyn ee toddobaatan jirka ah ee Faysal Cali WAraabe waxaanu ka rejaynaynay in uu hoggaamiyo noo noqdo oo uu xisbiga iyo annagaba gacanta na hayo , inaanu maanta maxakamad isla meeraysannana waa mid aan la filayn. Waxa isaga guddoomiyenimo ugu doodaya eel eh shan iyo toban sanno guddoomiye xisbi baad tahay ee odhanaya wixiisu waa sharci, Jamaalna maaha sharci waa mid aan caqlli gelin”.

 Jamaal Cali Xuseen waxaa uu rejo ka muujiyey wixii natiijo ah ee ka soo  baxa  gebogabada dacwadooda  oo ay guddida diiwaangelintu gacanta kuhayso. “Wixii Natiijo ah waynu eegaynaa ee ka soo baxa, nimankaa guddida diiwaangelinta nin waliba ilme ayaa uu dhalay, mana jecla in ilmihiisa lagu sameeyo wax caddaalad darro ah. Maantana Iga walle inaanay dalka doorasho  ka dhacayn haddii uu kiiskaas UCID fashilmo oo xaq darro la sameeyo, dad badanna way galaafanaysaa kuwa dabada kasoo wadana way galaafanaysaa. Annaguna kursi u waalan mayno oo kursiga Illaahay baa haya haddii nalaga badiyana ma doonayno inaanu mar kale cararno ee waanu iska tagaynaa [waayo] marka hore ayaanu waalli u nimi”. Ayuu yidhi Musharraxa Xisbiga UCID Jamaal cali Xuseen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here