Isku shaandhayntii uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay golahiisa wasiirada oo aan wali tabashadii reer awdal waxba kabadalin, aya waxa hada soo baxaaya illaa hada warar kala duwan oo ku aadan waxay daarnayd isku shandhayntan sida lagu yaqaanay xukuumada saqdii dhexe ee xalay lasoo saaray.waxaa u madaxweyne Silaanyo u quusgooyey mid ka mida wasiiradiisii ugu tunka wayna. Wasiir Samaale oo ku maqna safar u ekaa olole xisbiga Kulmiye gudihiisa ah isla markaana uu kusoo galaa bixiyey gobalada bariga Somaliland oo uu lacagtii dowlada isku soo baraayey hadaba dadka ka faalooda siyaasada Somaliland aya sheegaya inay bahdilaad ku tahay Samaale in xilkii laga wareejiyo isagoo safar ku maqan isla markana lala sugi kari wayay ama loo yeedhi waayay. Wasiir Samaale oo mudo ku hawlana sidi uu unoqon laha gudoomiyaha xisbiga kulmiye lakiin loo maleynayay inay arintaasi imika iska soo dhamaatay aya waxa shaki kale bilawday safarka uu samaale ku marayay gobalada bariga safarkan oo mid shaqo wasiir ka cuslaa ayaa waxa la sheegaya inuu reero badan lasoo shiray wasiirku ugu danbayntiina isaga oo Cerigaabo ku sugan ayay soo baxday badalka wasaaradii maaliyada laga badalay loona badalay wax barashada. Dadka qaar aya iyagu tibaaxaya inuu Samaale aha wasiir adag isla markana lacago badan laga furfuri kari wayay isla markaana marwo Zamzam uga fududaatay madaxtooyadu inay waxkasta ku qarsan karaan si fududna lacagta looga faro qabsan karo waqtigan kala guurka ah ee xilkii dowladu dhamaadka yahay.
Reer Awdal oo yaguna mudo badan tabanaayay in madaxweynuhu hoos u eego saami qaybsiga dowlada oo u sad buriyo isla markana wax ka badalo sidii markii hore xaalku aha oo ay reer Awdal si wayn ugu dhago taagayeen in maruun madawaxweynuhu hoos u eegi doono tabashadoodii xataa meel adag ay iska taageen madax dhaqameedka reer Awdal aya u muuqata midaan wax wayn laga qaban iyagoo doonayay in wasaaradaha culculus wax lagaga soo dari doono reer Awdal laakin taasi ay noqotay biyo kama dhibcaan iyo walaac hor leh oo reer Awdal kusoo kordhay. Halka ay kaba sii darane qaybo ka mida reer Awdal siiba degmada Dila ay ka cadhaysiisay inuu madaxweynuhu ka xishoon waayay wasiirkii reer Dila ee xanuunka u jiifay isla markaana baryahan danbe dhaqtar dalka uga maqna wasiir Garaad oo isagana xilkii laga qaaday. Hal wasiir aya xilka laga qaaday reer Awdal halka laba la magacaabay iyo taliyaha asluubta tan oo u muuqata wali inan mililkii la si toosa looga dhayin reer Awdal. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha mr Raygal oo aad looga qayliyey wax qabad la,aantiisa isla markaana marar badan la sheegay inuu wasaaradii la hadhay ciyaaraha oo qayrkeed ka reebay ayaa markuu madaxweynuhu u adkaysan waayay wax qabad la,aantiisa waxa uu ku abaal mariyey wasiirkan ay isku bariga Burco kasoo wada jeedan inuu noqdo wasiirka dibu dajinta isla markaana loo dhiibo wasaarad tii hore ka culus masuulkan oo sida la sheegay lagala quustay maqasha ayaa imika geelii loo diray……
Lasoco qaybta labaad ishallah…..
Allaah Mahad leh
Cabdiqani Ibraahim Selef ( Kaptanka )