Badhan(Hubaal)-Maayiradda degmooyinka Badhan iyo Laasqoray oo ay weheliyaan isuduweyaasha Wasaaraddaha ee gobolka Badhan oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa ka warbixiyey xaaladda gobolka Badhan iyo sida ay bulshada degaankaasi dal ahaan iyo dad ahaanba uga tirsan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.
Siday faafisay Wakaaladda Wararka SOLNA, Waxay masuuliyiintani caddeeyeen in aanay jirin wax saamayn ah oo ay habsami u socodka hawlihii shaqo ee gobolka Badhan ku yeelan doonaan is casilaada guddoomiyihii gobolka Badhan.
Maayirka degmada Badhan Cabdale Maxamuud Cabdi (Faataax) iyo maayirka degmada Laasqoray Cabdiraxmaan Maxamuud Sucuudi oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xafiisyadii degmooyinkaasi si caadiya u shaqaynayaan, waxa kale oo ay beeniyeen warar been abuur ah oo laga baahiyey hawlaha shaqo ee ay maamul ahaan gobolkaasi ka wadaan.
Isu duwaha wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee gobolka Badhan Shacni Faarax Cali ayaa sheegtay in aanay is-casilaada badhasaabkii gobolka Badhan waxba u dhimi doonin hawlaha shaqo ee gobolka Badhan, waxaanay ku tilmaantay is casilaadaasi mid uu Guddoomiyuhu ku qarinaayey fashilaadiisa shaqo ee uu tahli waayey shaqadii uu gobolkaasi ka hayey.
Marwo Shacni ayaa sheegtay in aanay Somaliland u dhutinayn laba iyo saddex qof oo ka tegey, waxaanay intaasi raacisay in gobolka Badhan uu Somaliland wax la dhistay kana mid ahaa 28-kii sanno ee ay Somaliland jirtay , sheegashada maamulka Garoowena ay lamid tahay wiil Soddon sanno jir ah oo walidkii lagu qabsaday.