Iscasilaada Agaasimaha + Uur-rada Gaddoodka Shaqaalaha + Ir-dhowga Sanqadh-tirashada iyo Ifafaalaha hambada:
“markaan arkay in hadii maalin talaabo hore loo qaado, maanta xigta saddex talaabo dib loo soo dhacayo ayaan go’aansaday inaan Shaqada ka tago”
“Cillada Ideecadda ee soo noqnoqotay waxay timaadaa qalabka dayac-tirka oo waxba laga qaban waayay” Agaasimihii Waaxda farsamada W.W. Warfaafinta
Hargeysa-(Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa si toosa u waajahay ceeb iyo Faddeexad maamul oo in badan huursanayd Wasaarada uu madaxda ka yahay , kaddib markii shalay uu sida Bomb-ka uga qarxay Wasaarada dhexdeeda Kacdoon Shaqaalle oo in muddo ah si tartartiiba u soo yeel-yeelanayey, kaasoo ay la kowsatay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradaas Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo uu Maalin ka hor Cukuse uga dar-daar wariyey xaalada Wasaarada, balse sawir ka duwan jawigii uu ku sheegay indhaheeda ku aragtay maalintii u horaysay ee ay xafiiska u shaqo tagtay.
Dhacdo marka la eego tusaalle ugu filan cid kasta oo dooc ugu laabnaa halka ay ka degi la’dahay mowjada Khilaaf iyo Mullaaqa Maamul ee dhex yurura Wasaaradaas oo ay dadka qaarba si u arkayeen, iyagoo wax ka saaraya dhamaan madaxda isaga hoosaysa ee Digreetooyinka Madaxweyne ku magacaaban, ayaa ku soo beeggantay xilli Madaxweyne Siilaanyo laba jeer oo is-xigta ku kala shaan-dheeyay Madaxda Hay’addaha xukuumiga ah, isagoo eryey Ma’suuliyiin loo garan waayay shaqada Xafiisyada ay hogaaminayeen, halka uu kuwo kalena uu isu-waydaariyey xarumaha ay kala joogeen.
Hadddaba, iyadoo dhumucda dhibaatada Maamul ee ka taagan Wasaarada Warfaafinta iyo Dhaqanka aanay si dhab ah u saamaynin Isku-shaandheynta Madaxweynuhu, balse Magacaabista Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradaasi iyo bedelk ku-xigeenkii hore u joogay, aad moodo inuu noqday qorshe Madaxtooyadu ugu talo-gashay inay ku shay-baadho Halka uu ka imanayo Eelka dib u dhaca iyo khilaafka isbarkan ee Wasaaraddu, ayey mar kale xiisaddu ka fad-kudisay meel aan laga filayn oo Misqaala-daratii ula muuqatay Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaddib markii uu shaqada Wasaarada iska- Iscasilay Agaasime-waaxeedkii Waaxda Farsama Eng. Axmed Saleeban-weyne oo sida muuqata noqday Sarkaalkii u horeeyey ee Madax-qaybeedyada Wasaarada iyo Shaqaalahaba u baallaleeye Diidmo qayaxan oo ka dhan ah Wasiirka Wasaaraddaas.
Eng. Axmed Saleeban wayne oo dhowrkii sannadood ee u dambeeyay ahaa Agaasimaha Waaxda Farsamda ee Laamaha Warbaahinta Qaranka, Wasaaraddana u qaabilsanaa isku duwida howlaha farsamo ee Telefishanka iyo Ideecadaha, ayaa shalay si rasmiya Madaxda Wasaarada ugu gubdiyey Qoraal uu iskaga casilay shaqada, isagoo talaabada shaqo ka tegista ku sabeeyey Dulmi, caddaalad –daro iyo dayac saameeyey Shaqaalaha uu madaxda u yahay ee Farsamada iyo sidoo kale handiddaad joogto ah oo uu Wasiirkoodu ku hayo. Sidoo kale waxa uu sarkaalku caddeeyey in waxyaabaha ku kalifay iscasilaada ay ka mid tahay faro-gelin maamul iyo qas-joogtaa oo saameeyay hab-sami u socodkii howlaha Wasaarada, siiba qaybta uu Madax-waaxeedka ka ahaa.
Sida uu Wargeyska Yool u xaqiijiyey Sarkaalkaasi, isagoo ka biyo-diidsan arrimo badan oo uu ku tilmaamay caqabaddo aan dhmaad lahayn, ayaa waxa uu go’aansaday inuu shaqada ka tago.
“Iscasilaadaydu waxay ku timi caqabaddo muddo dheer soo jiitamayay oo ah Cadaalad daro iyo dulmi Shaqaalaha Waaxda farsamada haysta. “marka laysku soo uruuriyo arrin maamul xumo, cadaalad-daro iyo dulmigaa ah ayuunbaan isu casilay, markii aan marar badan kala hadlay Wasiirka ee waxba laga qaban waayay ee ay joogto noqotay dhibaatada iyo handidaada kale ee Wasiirku ku hayo Shaqaalaha, iyadoo ay ugu dambeysay Gabadh uu maalin dhaweyd shaqada ka eryay, Inan hore oo qaybta Sitlite-ka ka tirsanaa iyo dhacdooyin kale oo aan mid iyo laba lagu koobi Karin. “sidaas ayuu khadka Telefoonka ugu sheegay Wargeyska Yool Eng. Axmed Saleeban Wayne oo ay noo suurto-gashay inaanu wax ka waydiino sababta ku keliftay iscasilaadu.
Waxaanu isagoo ka sii warbixinaya dhibaatooyinka uu wasiirka Wasaaradaasi ku hayey ee uu xamili waayay yidhi “waxa dhacda in Wasiirku shaqo ay kuu direen Madaxda Wasaarrada ee ka hoosaysaa uu kugula dagaalamo yaa ku yidhi qabo, sidaad uga amar qaadataa. Waxa kale oo dhacda inuu Shaqaalihii aad madaxda u ahayd kuu gacan dhaafo ama shaqo uu kuu diray intuu kaaga daba-yimaado kugu handido. Kolkaa dee markaan arkay in hadii maalin talaabo hore loo qaado, maanta xigta saddex talaabo dib loo soo dhacayo,ee Khilaafkii isaga iyo madaxda ka hoosaysaa soo afjarmi waayey, ayaan is-idhi dee horta adigu intii wax kale dhici lahaayeen faraha ka qaad shaqada.”
Eng. Axmed Saleebaan oo Wargeyska Yool waydiiyey in sababta uu isu casilay ay tahay eed uga timi dhanka shaqada oo uu ka gal-galanayo wax ka qabashadeeda, taasoo ay qayb ka noqon karto cilladaha soo noqnoqday ee Ideecada weyn ee Qaranka iyo arrimo kale, ayaa waxa uu ku jawaabay:-
“May may, lama xidhiidho wax shaqo ahna kuma laha cilad farsamo oo aan waxba ka qaban kari waayay. Cillada Idaacada weyn ee soo noqnoqotayna waa mid mar walba ka timaada xagga qalabka dayac-tirka oo aan dalka lagu haynin, taasoo markii shay xumaadoba ay noqoto inaan dibada u dirsano, sida dalka Itoobiya iyo Waddanka Shiinaha ee lagu soo farsameeyay Idaacadan, taasna maaha mar iyo laba toona intaan ka hadlay ee aan Madaxda Wasaarada u bandhigay in la sugo dayactirka qalabka Idaacada, laakiinse si wax u jiraanba ilaa hada waxba lagama qaban.”
Sarkaalkan baldhanka ka jaray Faddeexadaha Maamul ee ay Xukuumaddu dugsanayo ee hadheeyay Xayndaabka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, ayaa sidoo kale Wasiir cukuse ku eedeeyay inuu laf-dhabarta ka jabiyo horumar kasta oo ay Wasaaradu ku talaabsato, waxaanu isagoo sharaxaya hagar-daamooyinka Wasiirka uu yidhi, “Mushkiladda wasiirku waxay noqotay laba maalmood ayuu wasaarada yimaadaa, labadaa maalmoodna inta uu wax qaso ayuu ka noqdaa, markaa shalay muu iman markii dee kolay loo sheegay inay shaqaalihii kacsanyihiin, aniguna ismaanu arag, wasiir ku-xigeenkuna waxay ii sheegtay inay aad uga xuntahay waxa dhacay, balse ay jeceshahay inaanan go’aankaa qaadan.”
Dayaca Shaqaalaha Farsamada ayuu geesta kale ku tilmaamay arrin damiirkiisu siin waayay inuu sii eegto.“Waaxda Farsamda ee aan joogay waxa weeye Waaxda ugu balaadhan ee Wasaarada, uguna shaqaalaha badan waxa hoos imanayay qaybihii Warbaahinta oo Telefishanka iyo Idaacadaha, markaa dadka ka shaqeeyaa waa dad u baahan in la dhaqaaleeyo, waayo? Waxa ku baxaya RF, kolkaa markaan arkay cadaalad darada iyo dayaca haysta, waan awoodi waayay inaan sidan ku eego oo aan iska joogo, markaa waxay noqotay inaan iscasilo mar hadaanan wax iga go’aa jirin.”ayuu yidhi.
Noomay suurto gelin inaanu wax war ah ka helno dhinaca Wasiir Maxamed Daahir Cukuse, hase ahaatee sida ay tibaaxayaan warar kale oo aanu ka helnay Wasaaradu, shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Wasaarada ayaa iyaguna shalayba bilaabay gadood ka dhan ah Wasiirka, kaddib markii ay ka war heleen iscasilaada Agaasimaha Farsamada. Gadoodka shaqaalaha, ayaa la sheegay inuu salka ku hayay dareen ay kaga soo horjeedaan sababta uu Sarkaalkaasi shaqada kaga tegay iyo cabasho ay qaarkood ku dalbanayeen Gunnooyin lacageed iyo Mushaharooyin ka maqan.
Shaqaalaha ayaa si toosa gadood ugu sameeyay Wasaarada dhexdeeda, kaddib markii ay ka war-heleen Sarkaalka iscasilay, waxaana wararku intaas ku dareen inay isku dayeen inay Wasiirka toos ugu weerraraan xafiiskiisa oo aanu ka soo xaadirin, sida la sheegay.
Waxa intaas warku ku daray inaay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradu dedaal badan ka gashay dejinta xiisadan laba geesoodka ah, iyadoo sida wararku tibaaxeen kulan la yeelatay Shaqaalaha cabashda ka dhanka ah wasiirka ku lamaaneeyay Iscasilaada Agaasimaha.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay kulanka dhex maray Wasiir ku-xigeenka iyo Shaqaalaha, hase-ahaatee dood dheer iyo dhegeysi kaddib, waxa la tibaaxay inay Wasiirku ka codsatay Shaqaalaha inay xaalada dejiyaan,si ay arrintooda la-tashi ugala samayso Madaxda kale ee Wasaarada, siiba wasiirka ay ka dacwoonayaan oo dabcan shaqada iyo Maamulkaba uga sareeya, sidaas darteedna ay wakhti koobana jawaab kaga sugaan.
Waxa kale oo xogta ku saabsan talaabada Wasiir ku-xigeenku ku dhexdhexaadisay dhacdada Shalay ka qaraxday Wasaarada Warfaafintu intaas raacisay inay Agaasime-waaxeedka is-casilay ka dalbatay inuu Xafiiskiisa sii joogo, balse uu ku gacan saydhay arrintaas.
Shaqaallah, ayaa waxa la sheegay inay aqbaleen dhexdhexaadinta Wasiir ku-xigeenka, wallow aan tibaax rasmiya laga bixin mudada ay qabsatay.
Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkan isku maalinta kediska ku yimi, ayaa ku soo beegantay maalin kaddib markii uu Wasiirka Wasaarradaasi, ku eeddeeyay Shaqaalaha inay yihiin Basaasiin Sirta Wasaarrada Suuqa ku sii daaya. Cukuse ayaa isagoo isu muujinaya masuul wax u dahsoonyihiin, Wasiir ku-xigeenka cusub uga dar-daar-wariyey Basar-xumo uu ku eeddeeyay Shaqaalaha.
Waxaana eeddeyntaas uu Cukuse ku dul-wadhay Shaqaalihiisu noqotay Uur ku-taallo kale oo ugu biirtay, gabbood-faladii uu hore ugu geystay, oo ay ilaa hada la’yihiin cid uga gurmata oo wax ka qabata.
xigasho:GNA