Qalloocan waa deegaan gole odayeedkoogu soo saaro hogaamiyihii u talin lahaa, Garo oo waa deegaan ka soo gudbay in ay odayadu u taliyaan. Haa, inta kaliya ee ay is bidaan waa golahaa gu’ walba ku mashqulsan kala reebidda iyo tartan u aloosidda degmada.
Indheer garad u dhashay degmada se aan arrin iyo tallo mid na ku lahayn ayaa laga hayey, “Waar bi’i waaye, may mid un daystaano baahiyahooga kale ku mashquulaan.”
Sannad ba waayihii le, hadda xilli doorasheedkii baa taagan, ragga damaca lehna ma yara, jagadaa waxa is tusay in ay u tartamaan ku dhawaad sagaal ruux inta la og yahay, rag kala na la sheeg.
Inkasta oo degmada la yidhaa Qalloocan haddana xaafad ka mid ah deegaanka ayaa yadna lagu magacaaba Qalloocan, ragga qaar baa laga hayey, “Degmadu ba intan bay ka soo bilaabantay.”
Dhalinyaro reer doc Qalloocan ah baa habeen isugu yimi goob ka mid ah goobaha lagu shaaheeyo, yeelkood’e waxa ay is tuseen in ay yihiin cidda qudha ee dorkan xaqa u leh in ay u taliso degmada maadama ay iyagu yihiin xudunta degmada. Sidoo kale hal ninna ugala soo bixi lahayeen intaa degmada ku wada arooraysa ee tartamaysa.
Da’yartaasi may ahayn rag gole odayeedka lagu arki jiray, iska daa in ay ahayeen rag talo u soo joogay goynteede, haddana meel sareedo ah bay isla joogaan. Waxa ay sheegtaan haldoorrada Qalloocan.
Dhalinyaradaa is abaabushay may ahayn qaar cid diratay, ka ay sheegtaan inay la doonayaan Qalloocan inu ka arrimiyana ma diran, se iyagaa is abaabulo is xilqaamay malahood. Dood baa iyadna tidhaa waa adeegayaal daahsoon.
Waxa ay abaabuleen kulammo ay la yeelanayeen odayaasha iyaga oo ka dhaadhicinayey in ay danaynayaan in doorkan codkooga siiyaan ninkaa ay cumamateen. Kulan kasta oo ay galaan ma noqon jirin mid u taabbo gala sidii ay donayeen.
Sababaha loo anaynayeyna wuxu ahaa kulan kasta oo ay la qaataan in suuqa ba uga soo horayn jiray hadalladii madashaa la isku waydaarsaday. Taas baa keentay in dhexdoodii kala aamin baxeen. Raggu may muujisan jirin taageeradooda taasna waa loo aanayn jiray kala jabkoogii.
Dhallin badan oo la fikir wadaag ahayd ayaan jeclaysan sida ay wax u wadaan raggaasi meelo badan bay ka hadleen iyagoo sheegaya in sidaa wax loo wadaa ifafalo san aanay muujinayn iyagoo mararka qaarna laga guntayey, “Qaabdoonistoodaasi waa tii kala durknaysay Qalloocan.”
Ragga qaarna waxa ay iswaydinayeen; inamadaa isdoortay niyadsamidoodu ha joogtee horta ma yihiin rag ka badheedhi kara rabitaankooga? Ma yihiin qaar ku qancin kara ajandaha ay xambaarsan yihiin asaaggood? Iyaga laftoodu maku qanacsan yihiin dalabka ay iib gaynayaan?…….
Dhammaad