Indho Adkaanta Afhayeenka Madaxtooyada- W/Q: Maxamed Xaamud Cali

0
35

Bismillaahi; marka hore waxaan leeyahay dhamaanba bulsho waynta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ilaahay hayna siiyo xasanaadka bisha barakaysan ee Ramdaanka, intaas ka dib waxaan halkan waxooogaa yar ka odhanayaa ficilada foosha xun ee uu caadaystay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamed Saleban Dhuxul, kuwaas oo anshax xumo ku ah guud ahaanba saxaafada Somaliland. maxamed xaamud caliMadaxwaynaha qaranku maaha oo kaliya inta la socota madaxwaynahooda ee waa madaxwaynaha dhamaanab bulshada reer Somaliland. Intaas ka dib, mar kasta oo madaxwaynuhu dalka ka dhoofayo ama uu ku soo noqonayo waxa soo baxa ficilo aad u fool xun oo ay ku kacaan inta ka ag dhowi kuwaas oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Dhuxul iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, kuwaas oo aad moodo inay madaxwaynaha boodhi gaadh u yihiin, inta badana iska hor taaga madaxwaynah in wax su’aal ah la waydiiyo haba yaraato e, lkn su’aasha meesha taala ayaa waxay tahay Muxuu Madaxwayne Silaanyo uga war wareegayaa su’aalaha laga waydiinayo hawlaha qaranku halkay marayaan? Taas oo bulshada reer Somaliland ugu muuqata inaanu madaxwaynuhu haynin wax uu kaga jawaabo su’aalaha ay saxaafadu waydiinayan, ama ay adagtahay in uu keeno cadaymo muujinya jawaabaha uu bixin doono. Madaxwaynaha su’aalaha la waydiinaya waa qaar qaranka iyo dadkaba u iftiiminaya xaqiiqooyinka waxayaaba madaxwaynuhu kala kulmay safarkiisaa ee dhib iyo dheefba leh. Hadaad dib u yare xasuusato xiligii Mr. dhuxul uu ahaa wariyaha, su’aalihii uu waydiinayay madaxwayne Riyaale xili uu safar debada ah ka soo noqday, waa la wada ogaa sidii fiicnayd oo loogu jawaabay maha in uu maanta yidhaado wax su’aal ah nala way diin mayo, taasina waa nusqaan xukuumada kulmiye haysata, maaha madaxwaynaha oo kaliya ee waa dhamaanba xukuumada oo dhan, waayo way ku wada socdaan in lays hortaago in madaxwaynaha su’aalo la waydiiyo. Hadaba su’aalaha saxaafadu waydiinaysaa madaxwaynaha ee uu ka war wareegayaa ma kuwo ku saabsan madaxwaynha laftiisaa mise waa su’aalo ku saabsan hawlaha qaranku halkay marayaan. Inta badan su’aalaha la waydiinaya waa kuwo ku salaysan hawlaha qaranku halkay marayaan, taasina waa mid u baahan in dhamanba dadka oo dhan loo iftiimiyo, si kastaba ha ahaato e dhuxul waxaan leeyahay gaabso oo qaranka si daacada ugu shaqee, hadii kale shimbir duul duul badani af libaaxbay gashaa e. oo aan u jeedo hankaaga sare u qaad. Maaha in qofkii jago yar loo dhiiibaaba uu siduu doono ugu takri falo, oo uu la soo baxo miciyo libaax isagoo aan markiisii horeba waxba ahayn .

Waad mahadsantihiin

Allaa Mahad leh

By Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here