W/Q: Cabdicasiis Maxamed Yoonis (Ansaari).
Hoodo waxay ahayd inan u dhalatay qurux iyo dhag.dadka jaarka oo dhammi waxay aad ula yaabi jireen,hoodo dhagta ay leedahay iyo quruxda ilaahay ku manaystay.islaan waliba ama hooyo waliba waxay jeclayd in inanteedu sidaasi hoodo oo kale u qurux badnaato, marka ay waynaato.
Hoodo waxay gashay dugsigeedii hoose/dhexe ilaa keegii sare,iyada oo quruxdaasi iyo midab caddaan ah leh.hablaha ay isku ardayda yihiin,mar qudha ayey midabkoodu iyo quruxdoodi madoobaan jirtay oo ay shiiqi jirtay, marka ay hoodo timaado ama ay soo gasho fasalka!.
Wiilasha ay dugsiga wada dhigtaana, markasta oo ay isha ku dhuftaan, hoodo waxay la yaabi jireen, quruxda iyo midabka caddaanka ah ee hoodo ilaahay siiyey.
Waxaa uu ahaa midab asaliya oo fallaadho dabiiciya bixinaaya oo widhwidhaaya.!! Hoodo iyadu nimcadan ilaahay siiyey xoog umay dareemayn, laakiin dadka kale iyo jaarkuba aad iyo aad ayay u dareemaayeen.
Marka ay xaafadda joogto inamda jaarka oo dhammi hoodo way jeclaayeen in ay isha ku dhuftaan maalintii mar uun.marka ay suuqa mareysana,ragga oo dhammi waxa ay la raaci jireen aragtida!!hoodo iyada oo dareensan waxan laga soo eegaayo,ayaa ayna dadka badankooda salaanta ka qaadi jirin.hadaba,sida imika lawada ogyahay waxa jira muuqaal iyo caado fool xun oo dumarka badankoodu sameeyaan oo la yidhaahdo(iscadeyn ama buufis).waxayn tahay in haweenku jidhkooda mariyaan dawo la isku caddeeyo oo midabkooda badasha oo ka dhigta caddaan faalso ah.!!!waxan aad meelkasta ku arkaysaa maanta dumar iscadeeyey oo jidhkoodii ka saaray midabkii asaliga ahaa..ee ilaahay u dhaliyey.muddo yar ka dib,haweenkaasi iscadeeyey waxa ku yimaado “quub-dhac” oo midabkoodii asaliga ahaa ayaa meesha ka baxa.waxana la soo darsa …cuncun iyo finan iyo xanuun maqaarka ku yimaada.Hadaba, hoodo oo aynu ka soo sheekeynay quruxdeedii iyo midabkeedii..waxa ay iyana,iyadoo qurux ka dayeysa oo kuna dayaneysa hablaha iyo haweenka iscadeeyey ay badashay midabkeedii la ma jireen jiray ee quruxda badnaa ee dhalaalaayey. waxayna isticmaashay dawoooyinka la isku caddeeyo.Hoodo haddii ay ogaan lahayd waxa qabsandoona may iscadeyseen.hoodo midabkeedii wuu xumaaday oo dheeheegii wuu daatay,waxana ay ka mid noqotay kumanaanka hablood iyo islaamood ee iscadeeyey ee midabkoodii badalay,ee ay la soo daristay;Cuncunka iyo finanka iyo haaraha ka dhashay dawada ay isticmaaleen.Maadaamoo ay hoodo ahayd markii hore gabadh aad iyo aad u cad.hadda waxay soo baxday,qof dheeheegii daatay oo isku badalay midab lagu tilmaami karo(yacyacood) oo aan ahayn midabkii asalka ee caddaa ama maariin.waxa ka soo wada baxay finan.ishu way ka boodaysaa markay aragto.qof waliba waa uu naxayaa marka uu arko wajigeedan muudhmuudhay!!!iyana waxay la seexan laadahay oo ay la joogi laadahay;(cuncun iyo xasaasiyey iyo isxogitaan joogto ah)!!! dadkii eegi jiray ee quruxdeeda daawan jiray,imika hoos ayey u foorarsadaan markay arkaan,qalbigana way ka naxaan.waxa ku dhacay hoodo ayey la wareersanyihiin.iyaduna markay muraayad isku eegto way ilmeysaa,sida uu u hurushoobay wajigeedii ayaa ka ooyinaaya!! Maxaad kula talin lahayd hoodo…in ay sameyso?!!!!
Qore: Cabdicasiis Maxamed Yoonis (Ansaari).
Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan School for English!!
Email:aragtiwanaagsan@gmail.com.
facebook:abdiazizyonis.
Tell: 063 4175733.
Hargeysa,Somaliland.