“Inanka Yar Ee Shalay Lahaa Kuwa Gidaarrada Fadhiya, Waxan Leeyahay Laba Cishaad Halkan Joogtay, Berritona Gidaarka Ayaad…..”Xasan Guure

0
53

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa si adag uga dareen celiyey saldhigga milieri ee dawladda Imaaraadku doonayso inay madaarka Berbera ka samaysato, isla-markaana xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixayso, waxana uu farriin adag u diray wasiirrada sida weyn u xiisaynaya in saldhigaas la meel mariyo oo uu wasiirka madaxtooyadu ugu horreeyo.

guure

Ugu horrayn Xasan Guure waxa uu diiday inuu madaxweynuhu khudbad-sanadeedkiisa ku dhex daro ka hadalka saldhigga milieri ee Imaaraadku doonayo, waxana uu sheegay inay taasi sharciga baalmarsan tahay, waxana uu yidhi,“khudbaddii madaxweynaha ee sanadka oo kali ah baa la sugayaa, haddii la keenona go’aan ma noqon doono waa haddii aynu sharciyadda raacayno, lamana muusayn karo oo khudbadda lama raacin karo saldhigga, umaddana waxan leeyahay dalka idinkaa leh, inamada yaryar ee sida curriga qanjaha ka naaxayna dalka ma laha, raggii ku dhintay baana weli yaalla.”

Guddoomiyuhu waxa naqdiyey hadallo uu wasiirka madaxtooyadu dhawaan ugu jawaabay siyaasiyiinta saldhiggaas kasoo horjeeda, isaga oo uga digay inuu rabshac cusub waddanka geliyo,“Inanka yar ee shalay lahaa kuwa gidaarrada fadhiya, waxan leeyahay laba cishaad halkan joogtay, berrtona gidaarka ayaad soo fadhiisan doontaaye Maxamuud Xaashi-yow dalka ha rabshin, umaddana waxanu leenahay dagaalka uu ku baaqay inankani ee aanaan shaqo ku lahayn, qori aanaan annagu lahayni dalka ma iman karo, horena kii Maraykanka ayaanu diidnay, kan Abu Dubai-na ma yeelayno, inanka yar ee Kelyaha haysta ee leh waan keenayaana kuma dhaco ayaanu leenahay”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Xasan Guure Jaamac waxa uu sheegay inaanu marnaba aqbali Karin in Berbera ay cid kale yeelato, waxana uu mudaneyaasha labada aqal uga digay inay dhuuni ku doorsadaan arrintaas, waxana uu yidhi,“arrintii DPWorld $10,000(toban kun)oo dollar baa la kala qaatay, berrina tobankii kun baa la doonayaa in la kala qaato, laakiin sharci taasi ma noqon doonto, maantana waxa la isku hayaa in Berbera cidi yeelato iyo in cid kale yeelato oo qorigeenu xukumo iyo in qori kale cukumo.”

Guddoomiye Xasan waxa uu sheegay in shacabka dagaal ka galay gefafkii iyo hadalladii deelqaafka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Siyaad Barre, haatan aan la aqbali Karin qabweynida carabta iyo quudhsiga ay shacabka ku hayaan,“Annagu shalay Maxamed Siyaad Barre waxanu kula dagaallanay XUN YAHOW XUNKU DHALAY, maantana CABADYAHOW CABADKU DHALAY ku doorsan mayno”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here