Imaamka Masaajid Ku Yaalla Magaalo Madaxda NFD Oo Nuurigiisa La Waayay Iyo Raadkiisii Oo Galay Hay’adaha Ammaanka

0
45

Garisa (Hubaal-W/wararka)-Sheekh Cumar Salaad Kediye oo ka mid ah Culimada Somalida Kenya, ayaa waxaa maalintii saddexaad laga la’yahay Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Sheekh Cumar Salaad Kediye, ayaa ahaa Imaamkii Masjidka Jaamacadda Magaalada Garissa, ka hor inta aanay Ururka Al Shabaab weerar qorsheysan ku qaadin, 2-dii bishii April ee sanadkan. Sheekha, ayaa waxaa la waayay gelinkii dambe ee maalintii Salaasada, xilli uu suuqa adeeg uga doonay qoyskiisa, sida ay sheegtay afadiisa oo la hadashay laanta afka Somaliga ee VOA. gaarisaNuur Barre Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Waqooyi Bari, ayaa si xoogan Dowladda Kenya ugu eedeeyay inay iyadu ka masuul tahay, tallaabada gaadhi uu la socday loogala degay Wadaadka. Nuur Barre wuxuu hay’adaha ammaanka Kenya uu ugu baaqay haddii wax dembi ah lagu haysto Wadaadka, inay baadhitaano ku sameeyan muddo 24 saacadood ah, dabadeedna ay Maxkamad soo taaggaan. Nuur oo la hadlay VOA, ayaa carabka ku adkeeyay Cadaalad daro inay tirsanayaan, isla-markaana ay saluugsan yihiin in sidaa lagula dhaqmo Culima’udiinkii Deegaanka. Booliska Magaalada Garissa, ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha kaga yimid ehelada Sheekha, waxayna sheegeen inaanay waxba kala socon xadhigiisa, isla-markaana aan lagu hayn Xarumaha Dembi Baadhista Garissa. Kenya, ayaa hore u gaysatay tacadiyo ka dhan ah Culimada Gobolada Waqooyi Bari Kenya iyo Xeebta, inkastoo laamaha ammaanka Kenya ay iska fogeeyan inay xadgudubyo kula kacaan Culimada Muslimiinta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here