“Illaahoow Maanta Ka Hor Wuxuun Baad Reebi Jirtaye Annagu Ducaynay Oo Ducaynay’e Dee Malaha  Qoladiinan  Baa Illaahay U Hadhay Oo….”

0
137

Saleebaan-gaal Oo Wax Laga Weydiiyey Shaki Laga Qabo Cimri-dherer Uu Golihiisu Mar 3aad U Sameeyo Xukuumadda Haddii Ay Doorashadu Xilligeedii Ku Qabsoomi Weydo

“Waa Laga Yaabaa Xildhibaannada In Nin Waliba uu Kursiga Jecel Yahay, Laakiin Ma Diidayaan Haddii Lagu……….”

+++++++

“Nin Baa Beri Wixii Uu Diiddan Yahay Waxa Uu Odhan Jirey DHALOOKH, [Markaa] Immika Arrinta Soomaaliya Waddaa Waa Iska Hadal Uun Oo Waa Dhalookh”

++++++++

“Anigu Ku Hadaaqi Maayo Muddo-Kordhin Dambe, Madaxweyne Siilaanyo-Na Kama Maqal’e Idinku…..” – Saleebaan-gaal Oo Wax Laga Weydiiyey Shaki Laga Qabo Cimri-dherer Uu Golihiisu Mar 3aad U Sameeyo Xukuumadda Haddii Ay Doorashadu Xilligeedii Ku Qabsoomi Weydo

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan [Saleebaan-gaal) oo indhawaaleba safar dibadeed ku maqnaa ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhamaystay hawlo caafimaad iyo nasasho isugu jira oo uu ugu maqnaa wadanka Ingiriiska. Guddoomiye Saleebaan-gaal oo ay weriyayaasha maxalliga ahi Markii uu soo degay kadib su’aallo kala duwan oo wacyiga khuseeya kala hortegey ayaa ka hadlay sida uu u arko xaalladaha adag ee duruufaha qallafsani ku gedaaman yihiin ee dalka kulaalaya xilligan iyo sida uu u arko in xalka lagaga bixi karaa uuyahay, isaga oo tallooyin iyo baaq u soo jeediyey qaybaha kala duwan ee qaranku ka kooban yahay. Guddoomiyaha guurtidu waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa faro-gelin siyaasi ah oo ay dawladda cusub ee dalka Soomaaliya ku car-qalladaynayso qaddiyada Somaliland iyo heshiiskii ay UAE kaga kireeyeen Saldhiga Millatari ee Berbera iyo In Markale ay suurto gal noqon karto muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo haddii ay doorashadu waqtigeedii ku qabsoomi weydo iyo amuuro kale. Ugu Horeynse mar guddoomiyaha wax laga weydiiyo sida uu u arko xaalladda dalku marayo haatan siyaasiyan iyo dhaqan-dhaqaalleba, waxaa isaga oo su’aasha dib ugu soo celinaya weriyeyaasha uu ku tiraabay “Wixii jiraba horta waad  u joogteen oo dee idinkaan idinka warsan lahaaye ma anigiibaad dib iigu soo laadeen!!!?, horta abaaraha illaahay haynaga jebiyo, Illaahoow na soo qabooji, Illaahoow maanta aad baanu u jilicsannahay oo abaar dalka oo dhan camuumta tan ka hor maanaan arag, wuxuun baa  hadhi jiray oo aad abaarta ka reebi jirtay Ee illaahoow naga soo jebi”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan-gaal.  Waxaa uu sidoo kale ka hadlay isla markaana uujawaab ka bixiyey su’aal nuxurkeedu ku qotomay colaadaha soo noqnoqday ee deegaanka koonfurta gobolka SOOL ku dhex maray beellaha walaalaha ah ee halkaas wada degan, waxaanu yidhi “qolooyinkan is dilaya wax kale oo aynu odhan karnaa ma jirtee illaahay ha soo hadeeyo. Annagu ducaynay oo ducaynaye malaha qoladiinan dhalinyarada ah baa hadhay oo dee Illaahay uu dhegeystaaye aynu wadaducayno, iyagana [beellaha koonfurta Sool] waxaanu leennahay waryaadha colka hala joojo”. Waxayaabaha kale ee uu ka hadlay ee jawaabaha uuka bixiyey waxaa sidoo kale ka mid ahaa sixir bararka oo guddoomiyuhu ku sababeeyey xayiraadda saaran dhoofka xoollaha nool eeSucuudigu ku soo rogay.Geesta kale Guddoomiye Saleebaan, ayaa bulshada ugu baaqay inaan la dhegaysan dhawaaqyada Soomaaliya ka imanaya, isla markaana aanay gudaha Somaliland waxba ka tari Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Nin baa beri wuxuu diiddan yahay odhan jirey DHALOOKH, immika arrinta Soomaaliya waddaa waa Dhalookh, waana iska hadal uune maxay ka qaban karaan Somaliland baa lehe.” Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,“Waxa ay inoo diidayaan intaa yare e adduunku inoo soo jeedsanayo oo ay inaga hortaagan yihiin ha dhegaysanina kuwaas,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

vlcsnap-2017-04-19-22h11m14s239Mar waxa laga weydiiyey guddoomiye Saleebaan shaki cusub oo laga qabi karo inay doorashada madaxtinimadu waqtigeedii ku dhici karto, ayuu sheegay inaanu warkaas haynin, islamarkaana aanu xiiso cusub u qabin in golihiisu mar kale muddo-kordhin sameeyaan, waxana uu yidhi,“Muddo-kordhin dambe madaxweyne Siilaanyo-na kama maqal, aniguna ku hadaaqi maayee xaggee ka keenteen, xildhibaannada waa laga yaabaa inuu nin waliba kursiga jecel yahay, laakiin haddii la yidhaahdo doorasho waa la qabanayaa ma diidayaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here