Hokse (Hubaal)- Dadka ku dhaqan tuulada Hokse oo ka tirsan dalka Nepal oo ku yaal koonfurta bari ee qaaradda Aasiya, ayaa loo bixiyey naanays ah tuuladii kellida ‘Kidney Village,’ kadib markii la ogaaday in dadka ku nool degaankaasi iibiyeen kelyahooda si ay uga helaan dhaqaale ay ku dhistaan guryo u noqda hoy ay ku noolaadaan.
Dadka ka ganacsada xubna bani’aadamka, ayaa dadka degaankaas ku qanciya inay kelyahooda ka iibiyaan si ay guryo iyo cunto ugu beddeshaan, kadib markii dhawaan dhul gariir ka baabiiyey hoygii ay ku noolaayeen.
Hooyo la yidhaa Geeta oo ka mid ah haweenka ku dhaqan tuuladaas, ayaa sheegtay in xubnaheeda ugu muhiimsan ay siisay lacag dhan £1,300 giniga Ingiriiska ah, una dhiganta ilaa $2 kun oo dollar, kadibna ay dhul yar ka iibsatay tuulada Hoke oo 12 mayl bari ka xigta magaalada Kathmandu, lacagta intii u hadhayna ay ku kharash-garaysay in ay guri dhagax ah ka dhisato jagadaas.
Hooyadan oo afar carruur leh, ayaa gurigaas ka burburay, kadib markii uu Nepal dhawaan ku dhuftay dhulgariir 7.8 magnitude ah, waxaanay waqtigan ku nool yihiin iyada iyo ubadkeedu baco iyo karaatoon ay cadceedda kaga hoydaan.
“Gabadh aan dumaashi nahay baa ii sheegtay in aan kelli ka iibiyo, iyadoo igu qancisay in jidhkaygu u baahan yahay kelli kaliya, kadib kellidii way iga xadday, dhul gariirkiina gurigaygii ayuu iga xaday,” ayey tidhi hooyadan oo riyadeedii burburtay.
Dhibtani kuma koobna oo kaliya hooyo Geeta, laakiin rag iyo dumarka kula nool tuulada la yidhaa Kokse waxa ay iibiyeen kelyahoodii, iyagoo ka iibiyey dillaaliin u dhashay dalka Nepal oo ka ganacsada xubnaha bani’aadamka, sida lagu xaqiijiyey warbixin lagu baahiyey Maankaab.com oo Hubaal soo xigtay.
Dillaaliinta xubna bani’aadamka ka ganacsada waxay si joogto ah u tagaan tuuladan, iyagoo kula wareega lacag si ay ugu qanciyaan dadka in ay xubnahooda lacag kaga beddeshaan.
Inta badan koonfurta dalka Hindiya xubnaha bani’aadamka ayaa ganacsi aad u lacag badan ka ah, iyadoo la isticmaalo xeelado lagu dago dadka tabaalaysan ee dhaqaalaha u baahan, waxana qaar badan oo ka mid ah loo sheegaa in jidhku dib ugu soo baxayo, sidaa darteed ay lacag siistaan.
“Afartan sannadood dadkan waxay imanayeen tuuladayada, iyagoo nagu qancinayey in aannu iibinno kelyahayaga, balse inta badan waan diidna, balse waxaan u baahnaa guri aan leenahay oo ubad badan iigu koraan,” ayey tidhi Geeta.
Sidoo kale, haweenaydan oo ka hadlaysay sida kelyaha looga saaray ayaa tidhi; “Markii aan soo kacay ee qalliinka la igu sameeyey waxaan dareemay sidii qof aan waxba ku dhicin oo kaliya, waanan yaabay in sidaas wax walba ku dhammaadeen. Waxa la i siiyey 200,000 Rubiga Nepal ah (£1,300 gini) oo kellidii la igala baxay la iga siistay, sidaas awgeed degaankayagii baan ku noqday si aan dhul iyo guri uga iibsado.”
Riyada dadkan waxa ay soo gebagebawday 25 April 2015, markii dhul-gariir aad u xun ku dhuftay dalka oo dhan, kaasoo ay ku naf waayeen 8,800 qof, halka 23 kun kalena ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaqan degaanka Honkse hadda dhammaantood waa darbi-jiif oo wax hoy ah ma haystaan, caafimaadkooduna khatar buu ku jiraa, halka khubaro ka tirsan bangiga kelyaha ee Hindiya caddeeyeen in dadka kelyahooda iibinaya ay laban-laabmayaan sannadaha soo socda.
Geesta kale, ka ganacsiga sharci-darrada ah ee xubnaha bina’aadamka ayaa kor u kacay, iyadoo 10,000 hawlgal oo xubnaha lagu kala iibsanaya ka dhacaan suuqyada madaw sannadkii sida Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegtay.
Sidoo kale, in ka badan 7,000 kelyood ayaa sharci-darro lagu qabtaa sannad kasta sida lagu xusay warbixin uu soo saaray ururka dhaqaalaha caalamka ka hadla ee Global Financial Integrity , isagoo intaa ku daray in xubnaha sharci-darrada ee laga ganacsado sannadkii laga helo £650 milyan oo giniga Ingiriiska ah.