“Waa Wax Lala Yaabo In Xukuumadda Uu Xalkeedu Noqdo Tikniko Iyo Xabad Loo Isticmaalo Dhalinyarada Habeenkii Rabshadaha Sameysa”
Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Guddida Caddaalada Golaha Wakiillada Somaliland Oo HCTV U waramay ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay wax xal ah ka keeni wayday dhalinyarada habeenkii rabshadaha ka sameeya magaaladda hargeysa waxaana uu sheegay inay xukuumaddu gebi ahaanba ay ku fashilantay waxaana uu yidhi isgoo ka hadlaya “markay ku fashilantay inay jihayso oo shaqo ama barnaamijyo ku jihayso dhalinyarada oo meelo u samayso ileyn iyada ayaa ka masuula ayay tikniko gelisay iyo xabad lala dhaco taasina waa waxyaabaha la yaabka leh” ayuu yidhi
Hadaba halkan ka daawo xildhibaanka oo ka hadlaya amuurtan