HUBAAL TV: Xidhiidhka Kubedda Cagta Somaliland Oo Hogaan Cusub Doortay + Khudbadaha Laga Jeediyay Shirweynaha Afraad Ee Xidhiidhka Kubedda Cagta

0
46

hogaanka xidhiidhka kubadda cagta

Hargeysa (Hubaal) Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa loo doortay hogaan cusub oo maamuli doona 4 sanno ee soo socda, waxaana Guddoomiyaha loo doortay Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood, halka ku-xigeenkiisana loo doortay Cabdicasiis Maxamed Cilmi.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ayaa ahaa booska keliya ee lagu tartamayey, waxaana cod hal dheeri ah ku guuleystay Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood oo helay 18 cod halka Mr. Cabdi Ismaaciil uu helay 17 cod, waxaana xubnaha codeynayay ay ahaayeen 35 xubnood.

Guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta ayaan cidina kula tartamin Cabdicasiis Maxamed Cilmi. Ugu dambeyntii, xubnihii murrashixiinta ahaa ayaa halkaas ka hadlay iyaga oo si wanaagsan u soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashadu, waxaana ay iskugu hambalyeeyeen guusha la wada gaadhay.

Daawo Kelmadii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ka Jeediyay madasha


A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here