HUBAAL TV: Dadweyne Eedo Cadaalad Daro Ah U Jeediyay Guddoomiyaha Maxakamada Sare

0
25

Hargeysa (Hubaal) Dadweynha ku dhaqan degmada 26-ka June gaar ahaan xaafadda Xawaadle ayaa cabasho la xidhiidha cadaalad daro ay sheegeen inuu kula kacay guddoomiyaha maxakamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali taas oo dacwad dhul laba dhinac ku muransan yihiin oo muddo dheer soo jiitantay uu guddoomiyuhu sida uu sheegay ninka sheeganaya dhulkan oo askari ah xukun cadaalad daro ah kaga xukumay,dadweynahan oo maanta ugu waramayay Star tv xaafadda Xawaadle ayaa sheegay inuu guddoomiyaha maxkamada sare sifo cadaaladda baalmarsan uga xukumay muwaadinka dhulkan mulkiyadiisa lahaa

dadweyne ka cabanaya garsoorkaGarsoorka Somaliland ayaa ah mid aad u hooseeya oo cadaalad daro baahsan ragaadisay,Mana aha markii ugu horeysay ee xukun cadaalad daro ku salaysan uu garsoorka dalku ku fuliyo dacwadaha muwaadiniinta,waxaana jirta xukuno sidan oo kale ah oo garsoorka dalku u kala rido muwaadiniinta dhinacyada ah ee dhullka ama dacwadaha kale isu haya,taas oo inta badana keenta dhibaatooyin kale oo ka dhex dhaca dadka xukunka loo kala riday

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here