HUBAAL TV: Daawo Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex) Oo Xukun Ku Riday Eedaysaneyaal Marag Been Ah Isu Furay

0
35

Hargeysa:(Hubaal)-Maxkamadda Gobolka M/jeex, ayaa xukunno kala duwan ku ridday shakhsiyaad ay ku caddaatay inay si badheedh ah iskugu marag furay markhaatiyaal aan jirin, kuwaas oo isku dayey inay hab been abuur ah iskugu gargaaraan qaadashada hanti aanay lahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka M/jeex Md  Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa saxaafadda u shaaciyey inay xukun ku rideen laba eedaysane oo ay ku caddaatay inay si badheedh iskugu dayayeen inay markhaati  been abuur ah isku furaan, isla-markaana midka markhaatiga iska dhigayey uu isku dayey inuu iska dhigo markhaati goobta ka maqnaa oo uu magaciisii adeegsanayey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here