Jamaal Cali Xuseen ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xafladii uu garabkiisa New Ucid kula midoobayey Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Jamaal ayaa waxa uu Khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo taabanaysa sababta ku kaliftey in ay ku soo biiraan xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale waxyaabihii uu kala kulmay xisbigii uu mudada dheer musharaxa madaxwayne ka ahaa ee Ucid.