HUBAAL KA DAAWO: Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Muuse Biixi Ka Jeediyey Madashii Midowga KULMIYE Iyo Garabkii Jamaal

0
32

Hargeysa (Hubaal) Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madashii xaflada Midowga Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo sidoo kale Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee New Ucid oo munaasibad loogu qabtey Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu soo dhaweeyey garabka uu hor kacaayo Jamaal Cali Xuseen ee New Ucid sido kale Muuse Biixi waxa uu ka hadlay socdaalkii uu maanta magaalada Hargeysa ku soo gaadhay Madaxwanaha Maamulka Khaatumo Prof-Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa u yimi si uu uga raaco diyaarad u socota dalka Jabuuti ka dib markii loo diidey in uu ka dhoofo Madaarka Magaalada Buuhoodle.

Khudbada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo aad u dheerayd ayaa waxa uu dhan kale ku soo dhaweeyey madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maanta dalka dib ugu soo laabtey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here