HUBAAL KA DAAWO: Cirro Oo Ka Hadlay Nuxurka Warqad Madaxwayne Siilaanyo U Soo Gudbiyey Labada Gole Qaranka

0
38

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro) ayaa waxa uu ka hadlay Nuxurka warqad uu madaxwaynaha Somaliland kaga codsanaayo labada gole qaran ee Guurtida iyo Wakiiladu in ay iskugu yimaadaan fadhi wada jir ah.

Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in ay jirto warqadaasi balse aanay lahayn wax ajande ah oo ay ka hadlay oo ku qaran Warqada isla markaana ay ka warsugayaan Madaxwyanaha Kulanka uu iskugu yeedhey.

“Way jirtaa codsi ka yimi Madaxwaynaha oo uu iskugu yeedhey labada gole laakiin wax ku qoran oo ajande ahi Saldhigna kuma qorna wax kalena kuma qorna arimo nabad galyo in laga hadlaayo ayaa ku qoran markaa maraaku ajandaha ogaano ayuunbaanu ka hadli karnaa,”

Dhinaca Gudoomiye Ciro oo wax laga waydiiyey mowqifka xisbigiisa ee ku aadan saldhiga Milatari  ayaa kaga jawaabey. “Xisbi ahaan anaga mowqif ayaanu maanta ka soo saaraynaa arintaasi hadii alle ka dhigo”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here