HUBAAL CHANNEL: Kormeer Jarmaad Ah Oo Wasiir GARAS iyo Mas’uuliyiinta Waxbarashadu Ku Soo Qiimeeyeen Dugsiyo Uu Roobku Khasaare U Geystay

0
60

HUBAAL CHANNEL: Kormeer Jarmaad Ah Oo Wasiir GARAS iyo Mas’uuliyiinta Waxbarashadu Ku Soo Qiimeeyeen Dugsiyo Uu Roobku Khasaare U Geystay

Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md Yuusuf Cismaan Garas oo ay weheliyaan wasiiru dawlaha wasaaraddaas iyo agaasimaha guud ayaa subaxnimadii hore ee saaka kormeer qiimayn ah ku soo sameeyey tiraba laba iyo toban iskuul oo roobabkii dabaylaha watay ay khasaare u gaysteen. Wasiir Garas iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Waxbarashadu waxaa ay mid mid u tageen dugsiyada caasimadda Hargeysa ee roobabku waxyeelleeyeen. Wasiir Garas oo kormeerkaas ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay laba iyo toban iskuul uu waxyeello kasoo gaadhay roobkii galabnimadii isniintii da’ay, kuwaas oo ay kamid yihiin dugsiga Axmed Dhagax.

Haddaba warbixinta amuurtaasi oo Muuqaal ah Halkan hoose ka daawo:   


gggggggggggg
wasiir garas kormeerkiisa
kkk-tile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here