Illaa 600 qori ayaa lagu soo waramayaa in laga boobay xaruntii tabobarka ciidammada ee ay Imaaraatka maamulayeen ee magaalada Muqdisho maalmo uun kadib markii tabobarayaashii Imaaraatka ay ka baxeen dalka, sidoo kalena la laalay heshiiskii labada dowladood ka dhaxeeyay.
Warkan oo ay si gaar ah u faafisay wakaaladda wararka Reuters ayaa waxa uu intaas ku darayaa in hubka lagu kala iibsanayo suuqaqa Muqdisho si qiimo jaban ah.
Halkii qori oo ah nooca Kalashnikov-ka ayaa la kala siisanayaa illaa $700 doolar, halka qiimihiisa caadiga ah uu yahay $1300 doolar.
Waxaa qoryahay ku xardhan astaanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, balse hubka waxaa dalka keenay Imaaraatka sida ay sheegeen illo wareedyo u waramay wakaaladda.
Maalintii isniintii lasoo dhaafay ayuu iska hor imaad ka dhacay xaruntaas, dad goobjoogayaal ahna waxa ay sheegeen in ay arkayeen askartii tabobarka ku jirtay oo dareeska iska siibaya, kadibna qoryaha lasii baxsanaya iyaga oo isticmaalaya bajaaj.
Ciidanka illaalada madaxtooyada ayaa la sheegay in ay markii dambe la wareegeen xarunta.
Imaaraatka ayaa rartay qalab badan oo ka yiilay Muqdisho, waxayna joojiyeen barnaamijkii tabobarka ciidanka kadib markii dowladda Federaalka ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag malaayiin doolar ah oo ay Imaaraatka sheegeen in loo waday ciidanka tabobarka ku jiray.
Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hubkan la boobay, lamana oga halista uu u geysan karo amniga caasimadda oo markii horeba lala tacaalayay.