Hub Fudud iyo Rasaas badan oo lagu qabtay Dekadda magaalada Boosaaso

0
59

baastooladdo

Boosaaso:(Hubaal)-Ciidamadda Ilaaladda Dekeda magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, ayaa dhawaan gacanta ku dhigay hub iyo rasaas si qarsoodi ah dekadda looga soo dejiyay, waxaana hubkan lagu soo dhax qariyay Raashin iyo Baakado ay ku jireen alaabo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Turbataariyadda Dekadda Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen 16 Bastooladood iyo Rasaas tiro badan oo lagu soo dhax qariyay baakado ay timir ku jireen iyo sidoo kale gasacadaha caano booraha lagu keeno.

Ciidamada amaanka Dekadda Boosaaso ayaa xabsiga dhigay nin ganacsade ah oo la sheegay in uu lahaa alaabta iyo hubkan sida qarsoodiga ah looga soo dejiyay Dekadda Boosasao, laamaha amaanka ayaana sheegay in ninkaasi wali baadhitaano dheeraad ah ay ku socdaan.

Dekadda magaalada Boosaaso ayaa marar badan laga soo dejiyay hub qaab ganacsi loo keemo oo inta badan laga keeno dalka Yaman, waxaana hore ciidamada amaanka u qabteen xukuno kala duwana ugu rideen dad la qabtay iyaga oo hubka Dekadda si qarsoodi ah ugala baxayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here