Horta Magacan Buur-madow,Ma Adiga Uunbaa La Baxay, Ma Dad Ku Jecel Ayaa Kuu Bixiyay, Waar Buur-madow-wow Adigu Adigoo Qaran Diid Ah Ayaad Buurta Gashee…”

0
78

“Boqorada,Salaadiinta Iyo Ugaasyada Dhaqankoodu Maaha Idaacadaha Intay Tagaan Waxaan Jirin Intay Ka Sheegaan Oo Aflagaado Ah In Umad Badan Oo Soomaaliyeed Karaahiyaysato”. Abwaan Ikhyaar Geeljire.

Hargeysa(Hubaal) – Abwaan magaciisa lagu sheegay Ikhyaar Maxamed Xasan (Geeljire) oo ka soo jeeda Soomaalida Degta Galbeedka Itoobiya ayaa jawaab kulul ka bixiyay waraysi uu Boqor Cismaan Buurmadaw bixiyay dhawaan kaasi oo uu warbaahinta Somaliland siiyay kuna weeraray Suldaan Abiib Cilmi wabar ee Maleeshiyada Buuraha Awdal lagalay,waxa uu Abwaan Geeljire si gaar ah uga hal celiyay gabay uu Buurmadaw ku soo hal qabsaday waraysigiisan oo uu hore u tiriyay Abwaan Raage Ugaas,waxa uu geeljire Ugu baaqay Boqor Buurmadaw inuu u dhaqmo sida isimada iyo Boqoradu u dhaqmaan oo uu joojiyo hadalada deelqaafta leh ee uu had iyo jeer idaacadaha la hoos joogo oo ku sheegay inay umada Soomaaliyeed karaahiyaysato,waa siduu hadalka u dhigaye.

buurmadow2-310x155Abwaan Ikhyaar Maxamed Xasan (Geeljire) oo Doraad waraysi siiyay Mid ka mid ah mareegaha afka Soomaaliga wararka ku baahiye ee Soomaalidu leedahay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan“halkan waxaan kaga jawaabayaa war ka soo yeedhay Buurmadaw,Horta Buurmadawaw,Magacan Boqor Buurmadaw,ma adiga uunbaa la baxay, ma dad ku jecel ayaa kuu bixiyay,kolay si aad kula baxday Buurmadaw ma aqaano aniguye,laakiin boqorada,Salaadiinta iyo Ugaasyada Dhaqankoodu maaha Idaacadaha intay tagaan waxaan jirin intay ka sheegaan oo aflagaado ah in umad badan oo Soomaaliyeed karaahiyaysato ama ay layaabto,Boqorada iyo Ugaasyada Dabeecadahooda maaha,Sida Soomaalidu tidhaahdana,Waayeel Qawl ka dhacay waa Geed jidhifi ka dhacday,waxaan ka hadlayaa adiga oo tilmaamay Raage Ugaas in la dhacay dabadeedna Fardo iyo Raage Ugaas oo xaal ah in la keenay oo beeshii maalin guur iyo Ugaas Warfaa la siiyay,waxaana ku leeyahay horta Taariikhdaasi way kaa qaldan tahay”.

Abwaan Geeljire oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Xaqu reer Suldaan Diiriye iyo Sugule Caynaanshe,salaanteeda Habaryoonis ayaan salax Rogaayaaye,surginbaan ku iriqsiin lahaa Sidii sagaareede,Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa siima daaye leh,Horta gabaygaa Buurmadaw marka uu tirinayo Raage Ugaas waa gabay Hanjabaad ah,adigu ma waxaad u hanjabaysaa Samaroon iyo Suldaan Wabar,maxaa gabaygaa hanjabaada ah kuu geeyay,waar maanta Soomaaliyeey waa la ismaqlaaye,ninkii wax sheegiyaw adeer wax run ah sheeg,laakiin Taariikh si qaldan loo dhigay iyo Gabayo nin kale lahaa oo aad tidhaahdo aniga leh iyo waxaasi maanta ma soconaysee dabadaa la isku dhegayaa”.

Waxa uu Buurmadaw soo Xasuusiyay Taariikh aan fogayn oo u Guntan lana xasuusan yahay waxaanu yidhi “Waar Buurmadawaw adigu adigoo Qaran diid ah ayaad buurta gashee,ninka isagoo Qabiil diid ah buurta galay maxaad ku ceebayn adeer,waxaan kuu sheegayaa Buurmadawaw Idaacadaha waxaan ka maqlaa in badan hadalo deelqaaf ah oo aad tirisay,hadalka qaar damiin kaa dhiga iyo Dawdarbaa jira,gabay kalena waxaa ku jiray ragbaa Shaash libaaxleh iska dhiga waase shurunshuur eh,Buurmadawaw markaad sheekaynayso ee aad hadlayso dadka wax idinka dhexeeyaan ee aad rabto inaad wax u sheegto anagu adeer kuma jirno,dadkaa rabto inaad wax ka sheegto ama libaaxa aad iskaga dhigto adeer anagu ka mid ma nihin,waxaad tahayna waanu naqaan waxaanu kuu naqaanana waad taqaan ee halkaa adeer naga joog” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Abwaan Ikhyaar.

source:foorenews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here