Hoggaanka WADDANI Oo Shaaciyey Go’aamo Dib U Dhigay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbigaas Oo Muddaysnaa Sannadkan

0
20

“Ajandaha Laga Doodayay Waxa Uu Ahaa Qabashada Shir Weynihii Xisbiga  Ee Sanadka 2018-Ka, Waxaana  Dood Dheer Ka Dib  Ay Gudida Fulintu  Si Wada Jir Ah Isugu Raaceen In   Dib Loo Dhigo Muddo…”

Hargaysa (Hubaal) Gudida Fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa kulan ay shalay  ku yeesheen Magaaladda Hargeysa waxa ay go’aamo kaga soo saareen shirweynihii xisbigaasi. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur cade oo warbaahinta u akhriyay nuxurka go’aanka ka soo baxay gudida fulinta ayaa sheegay in shirweynaha xisbigaasi dib loo dhigay muddo hal sano ah. “Waxa aan idiin sheegayaa in guddida fulinta ee Xisbiga wadani ay maanta  [shalay] shirk u yeesheen xarunta, waxaan ajandaha ay  ka doodayeen uu ahaa qabashada shir weynihii xisbiga Waddani ee sanadka 2018-ka. Dood dheer ka dib waxa ay gudida fulintu ay si wada jir ah isugu raaceen, in shirweynaha dib loo dhigo muddo hal sano ah, taas oo ka bilaamaysa 9 april ee sanadkan 2018.

Guddidu waxa ay tix geliyeen qodobka 16-aad ee xeerka xisbiga waddani oo lagu sameeyay kaabid iyo wax ka bedel.

In dalka ay dhawaan ka qabsoontay doorashadii madaxtooyadda oo dadka iyo dalkaba kaga tagtay culays badan.

In taageereyaasha qurbe joogga ah oo si weyn uga soo qayb galay doorashadii madaxtooyadda ay ku adag tahay in ay si dhakhso ah ugu soo noqdaan dalka mar kale maadaama shir weynihii ay ka yihiin qayb muhiim ah.

Iyada oo ay inagu soo fool leeyihiin diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, iyo qabashadii doorashooyinka ee golaha wakiilada iyo deegaanka oo ah laba doorasho oo isa saaran culayskoodana leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here