Hoggaan Cusub Oo Shalay Lagu Doortay Shirweynihii 4aad ee Ururka Garyaqaannada Somaliland

0
43

Gudaha ka Akhri Magacyada Guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xog-haye Guud oo Lagu doortay Shirweynaha

Hargeysa (Hubaal)- Shirweynihii ururka Qareenada Somaliland oo labadii maalmood ee udembeeyey ka socday  Magaalada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Maansoor ayaa, shalay  lagu  doortay    Xubnaha hogaamin doona ururkaasi mudada labada sano ee socda iyadoo loo doortey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo),oo hore u ahaa Xoghayihii ururkaasi halka Gudoomiye Kuxigeenka rurka Qareenada Somalilandna loo doortey Garyaqaan Cabdi-naasir Yuusuf Cabdilaahi, islamarkaana Xoghayaha ururka Qareenada loo doortey Jamaal Xuseen Axmed Ducaalle, Waxa kale oo Shirweynahan lagu doortey Xubnaha Golaha Dhexe ee Ururka Qareenada Somaliland Solla. 13321817_1106540929402177_5820171541343964106_n

Inkastoo Shirweynahani ahaa kii afraad ee noociisa ah oo ay qabsadaan Ururka Qareenada Somaliland ee Solla waxaa u tartamay Gudoomiyanimnada Ururka sadex xubnood oo kala ahaa Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi(Timo) oo hadda isagu ku guulaystey xilka Gudoomiyanimada waxa uu helay 66 cod, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo isna helay 47 cod iyo Garyaqaan Farduus Maxamuud Gahayr oo iyaduna heshay 7 cod, iyada oo guud ahaan  tirada  ergooyinka Qareenadu ahaayeen   119 Ergay iyo 3 Shirgudoon ah.   Sidoo kalena waxa Xilka Gudoomiye Kuxigeenka u tartamay markii hore Sadex Xubnood (1)-Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi 90 cod waxaana ka tanaasuley laba xubnood oo kala ahaa garyaqaan Barkhad Jaamac Aar iyo Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan. Waxa kale oo isku Sharaxey Xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Solla laba xubnood oo mid kamid ahi tanaasulay waxaana ku guulystey garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed oo helay 93cod halka uu ka tanaasuley Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax(Daahir-Ciyaale).   Waxa Kale oo Shirweynahan Afraad ee Ururka Qareenada Somaliland ee Solla goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Cadaalada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Waliba ururada Bulshada Rayidka ah iyo garsooyaal tira badan iyo Xubno dhinaca Cadaalada ah oo Madaxbanaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here