Taxanaha Horumarka Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeysa …Q:9aad
Hirgelinta Mashaariicdii Dhireynta, Baarkinnada Gaadiidka, Masaajidka, Kor U Qaadka Bilicda Iyo Nadaafadda Madaarka Hargeysa+SAWIRO Badan
Goobaha is badallada ballaadhan lagu sameeyey ee goobo hoose laga soo bilaabay dhismaha Madaarka waxa ka mid ah goobaha ay dadku ku sugaan ehelahooda soo degaysa ama kuwa eheladooda sii sagootiyaya iyada oo aanu Madaarku haba yaraatee hore u lahayn goobo ay dadku ku nastaan oo ay dadka soo degaya ama sii dhoofaya ku sii sugaan.
Waxa dhici jirtay in dadka eheladooda safarka ah sii sagootiyaya iyo kuwa soo dhawaynayaa ay Madaarka dhex qaadi jireen wakhtiyadii hore iyada oo aanay jirin goobo ay dadkaasi ku sugaan dadkooda soo degaya ama sii dhoofaya. Maamulaha Madaarka Cigaal International Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ka hadlayay sida ay u tayeeyeen qaybaha ay dadku ku sugaan dhoofayaasha ama soo degayaasha Madaarka waxa uu yidhi: “Annaga oo ka duulayna Ammaanka Madaarka, Anaga oo ka duulayna tayaynta iyo adeegga guud ahaan Madaarka waxaanu samaynay nidaamyo aanu kala mid nahay garoomada caalamiga ah. Dadkaa dadka soo dahwaynaya iyo kuwaa sagootiyaya waxa aanu u diyaarinay goobo ay ku nastaan oo ku sugaan eheladooda dhoofaysa am asoo degaysa. Tani waxa ay keenaysaa in aanay dadkaasi soo booqdayaasha ahi jeclaysanba in ay gudaha Teerninaalada soo galaan. Goobo dibadda ka ah teerminaalada dhoofta iyo soo degista ayaanu diyaarinay oo habaysan. Goobahaasi waxa ka mid ah jardiinooyin si casri ah loo dhireeyey. Waxa ku dhex yaalla Muntulayaal hadhaysan oo leh kuraas ay ku fadhiistaan dadkaasi. Baakino qurxoon. Dadku waxa ay halkaasi ka helaan nasiimo waxa ay ka helaan goobihii shaaha iyo cabitaanada ay ka qaadan lahaayeen. Waxa uu ka helayaa Internet uu wax ku qabsan karo mudada uu dadka sugayo ama soo dhoofinayo. Goobahan waxa uu qofku ka heli karaa oo kale macluumaadkii uu u baahnaa sida diyaarada uu sugayay ama dadka saarayay wakhtiga ay imanayso iyo wakhtiga ay duulayso”
Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Iyo Madaarka Hargeysa waxa ay hir geliyeen Waddo dheer oo dhererkeedu ka badan yahay 1-km oo Madaarka ku dhereran oo ah goobta dadku maraan oo si weyn loo habeeyey iyo sidoo kale Barxadda Madaarka ee gaadiidka la dhigto (Parking) taasi oo gabi ahaanba la dhisay laga diyaariyey goobihii gaadiidkan dadku dhiganayeen oo maanta qaadi kara ugu yaraan in ka badan 200 oo baabuur. Dhismaha Parking-ga Madaarku waxa uu si weyn kor ugu qaaday bilicdii xayndaamba hore ee Madaarka maadaama baakinadaasi la dhisay lana dhireeyey. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo mashaariicdaasi markii ay dhammaadeen xadhiga ka jaray waxa uu sheegay in Wasaaradda Duulistu dhalan rog weyn ku samaysay Madaarkii Hargeysa oo maanta qofka arkaa aanu garan Karin is badalka iyo horumarka ka muuqda. “Maanta waxa farxad weyn inoo ah ka shacab ahaan iyo ka xukuumad ahaanba sharafta, bilicda iyo quruxda Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal maalinba maalinta ka sii dambaysa ku soo kordhaysa, ee aan maanta halkan u nimid inaynu laba arrimoodba furno, Baarkinka quruxda badan ee aynu soo marnay oo qaadaya in ku dhow laba boqol oo baabuur, iyo xidhitaanka tababarka dabdamiska ee hawlwadeenada Madaarka oo dhoola tus horteena ku sameeyeen, iyo arinta la dagaalkanka dabka oo ah qaybta u weyn ee Madaarka wax ku soo kordhinaysa isla markaasna ay diyaaraduhuna ku soo hiranayaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo isna arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi: “Waanu maanta furaynaa baarkinka madaarka oo dib u casriyeyn lagu sameeyay, la ballaadhiyey oo aad loo qurxiyey, lagalana mid dhigay madaarada caalamiga ah in uu halkan madaxweyne ku xigeenku inoogu furaa waa sharaf weyn, baarkinada, waxa la dhigay Marmar, waana loo diyaariyey qaab casri ah, sidoo kalena waxaanu Madaarka dhex marinay oo aanu dhisnay waddo casri ah oo dhararkeedu yahay hal Kiiloo mitir, taasoo kharash badani uu ku baxay”.
Dhireyntii Madaarka Hargeysa:
Masuuliyiinta Wasaaradda Duulistu waxa ay ku guulaysteen in ay Madaarka Hargeysa ka hirgeliyaan Mashruuc dhireyn ah oo aad tayadiisa loogu guulaystay kaasi oo gabi ahaanba qaabkii Madaarka ka dhigay deegaan Dhireysan oo aad u bilic wanaagsan. Mashruuca dhiraynta Madaarka oo muddo dheer qaatay oo wali socdaa waxa uu Madaarka ku soo kordhiyey bilic aad u weyn iyada oo ay bilicdaasi dhirta sii qurxusay goobaha dadku maraan iyo waddooyinka Madaarka dhexdiisa oo laga wada dhigay Marmar. Dhireynta Beereed ee laga hir galiyey barxada hore ee Madaarka ayaa loogu talo galay in sare loogu qaado bilicda Madaarka, sidoo kalena jawiga madaarku uu u noqdo mid degan, nadiif ah kuna haboon in lagu soo dhaweeyo dadka imanaya dalka ama lagu sii sagootiyo dhoofayaasha. Maadaama uu Madaarku yahay muraayaddii dalka laga dheehanayay iyo wajahaddii hore ee Dalka laga soo galayay, waxay wasaaraddu dadaal badan ku bixisay in quruxda iyo bilicda Madaarka Cigaal ay noqdaan Muhiimadaha hawl qabad. Wax qabadka Mashruucan dhireynta waxa ka markhaati furay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed oo bulshada kala hadlay muhiimadda ay leedahay bilicda Madaarku waxaanu yidhi: “Anigu Madaaro badan oo adduunka ah ayaan arkay, ma dhismaha mise Nidaamka kale?. Dhismaha dee kuwaasi boqolaal sanadood ayey soo dhigayeen keenuna dab yar ma shidayo, laakiin nidaamka kale keenu aad ayuu u wanaagsan yahay, beerta ku taalla Madaarka Hargeysa beer la mida oo la qurux ah wali ma arag, imikaan Wasiirka ku lahaa wasiir beertaas waxa wanaagsan inaad Kantaroolka soo gaadhsiiso.” Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed. Beeraha iyo ubaxyada kala jaadjaadka ah ee Madaarka lagu shaqlay ka sokow quruxda waxa ay soo kordhiyeen neecaw iyo udub qurxiyey jawigii Madaarka ee Bacadka ahaan jiray dadkuna ku guban jireen.
Dhinaca kale Nadaafadda Madaarka ayaa si weyn looga shaqeeyey waxaana laga hawl galiyey shaqaale loo carbiyey dhinaca adeegga Nadaafadeed ee Madaarka. Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay sida ay wax uga qabteen Nadaafadda Madaarku waxa uu yidhi: “Bilicda iyo adeegga nadaafadeed ee Madaarka laga qabtay waxa ka mid ah in aanu dibadda iyo goobaha dadku ku sugaan dhoofayaasha am soo degayaasha ka hirgelinay suuliyo. Waxa suuliyadan gacanta ku haya shaqaale diyaarsan oo qof waliba marka uu galo ee isticmaalo ka daba hagaajiya oo heer stander ah la gaadhsiiyey. Xusitaanka suuliyadu xikmad weyn ayay leedahay, waayo, waa halak nadaafaddu ka bilaabanto in ay hagaagto iyo in ay xumaato. Waa goobaha laga qiimeeyo bilicda iyo nadaafadda madaarrada iyo sideedaba nolosha bani aadamka.
Masaajidka Madaarka:
Adeegyada qiimaha badan ee Madaarka Hargeysa laga hirgeliyey waxa ka mid ah dhismaha Masaajidka weyn ee laga dhisay barxadda Hore ee Madaarka. Masaajidkan waxa halkii mar ku tukan kara dad gaadhaya illaa 800 oo qof, kaasi oo daboolay baahidii dadku u qabeen goob cibaado oo sidan u qiimo badan. Mashruuca dhismaha Masaajidka Hargeysa waxa inoogu deeqday Hay’adda khayriga ah ee Qatar Charity Fun waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Duulista iyo Masuuliyiin kale. “Dhamaanteen waxa inoo farxad ah inaynu ka qayb galo furitaanka masaajidka lagu soo biiriyey Madaarkeenii Cigaal Internatoinal Airport, waxay farxad u tahay guud ahaan umadda reer Somaliland iyo umadda masulimiinta ahba, waa mid aynu dhamaanteenba ku farax san nahay” sidaa waxa yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo ka hadlayay furitaanka Masaajidka cusub ee Madaarka.
……La Soco.