Hugunkii Wafdiga + Goosankii Wasiirada + Xujadii Fiisaha+ Xummada Laydhka
Hargeysa(Hubaal)- Wafdi Xukuumadu u xushay ka qayb galka Shir ka dhici lahaa Imaaraadka ayaa shalay ku hungoobay Madaarka Hargeysa ka dib markii ay waayeen Fiisihii Dalku ku galka imaaraadka. Wafdigan oo la filayay in la diyaariyey ka hor tabaabulshaha ambabaxooda.
Xubnaha Wafdigan ee ku hungoomay oo ay Xubno ka ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim, Hawlaha guud C/rasaaq Khaliif iyo Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire ayaa ujeedada socdaalkoodu ku xidhiidhsanayd inay ka qayb galaan Heshiis Xukuumada Somaliland ay ku talo jirtay inay la gasho shirkad laga leeyahay imaaraadka oo lagu Magacaabo DP World, taasoo hadii Heshiiskaasi la isku afgurto la wareegi doonta Maamulka iyo gacan ku haynta Dekeda Berbera. Geesta kale, warar Wargeyska Yool ka helay ilo looga qaateen ah oo u dhuun daloola Mashruucan, waxa ay tibaaxeen in Xubno kale oo Wafdigan ku wehelin lahaa shirkan ay iyagu hadda gaadheen Magaalada Dubai, ka dib markii iyaga si saxan loogu diyaariyey Fiisayaashii ay imaaraadka ku geli lahaayeen. Xubnaha Wafdiga ee Dubai gaadhay waxa ka mid ah Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Xubin kale oo aan wax xil ah Qaranka u hayn, hasa yeeshee shirarka iyo hawlaha Qaranka ku dhex gala Magaca Qoyska Madaxtooyadda. Xubintaasoo Wararku sheegeen inuu ka soo kicitimay Dalka Kiiniya.Waxa kale, oo Wararku intaa ku dareen in Madaxda shirkada DP World marka kulanku dhammaado laga filayo inay bixiyaan Lacag Cadadkeeda lagu qiyaasay Shan iyo Toban Milyan, oo Dollarka Maraykanka ah, Lacagtaas oo sida iluhu tibaaxeen ah Lacagta loo yaqaan Xaqul-qalinka ee shirkaduhu bixiyaan marka heshiis noocan oo kale ah ay cid la gelayaan.
Warar isla amuurtan la xidhiidha oo aanu ka helnay illo ku dhow-dhow Qasriga Madaxtooyada, waxa lagu sheegay in Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu ku gacan-saydhay ka qayb-galka shirkaasi, kadib markii Madaxtooyadu arrinkaas u soo jeedisay, hase-yeeshee wax hadal ah oo amuurtaa la xidhiidha lagama hayo Wasiir Biixi, basle, waxa jira tibaaxo kale oo sheegay in diidmada Wasiir Biixi tahay cadho ka dhalatay, markii Madaxtooyadu iska dhega-tirtay in maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera lagu wareejiyo shirkada Baloria, shirkadaas oo sida xogaha qaarkood sheegeen la tuhunsan yahay in Wasiir Biixi uu saami ku leeyahay, hase-ahaatee jiritaanka arrinkaasi ma aha mid si dhab ah loo xaqiijin karo, ama uu si cad Wasiirku u shaaciyey.
source:wargeyska yool